Sucuudiga Iyo Xulafadiisa Oo Hakiyay Duqayntii Cirka Ee Yemen Iyo Weji Cusub Oo Ay U Bedeleen Dagaalkooda

“Waa la gaadhay hadafkii Yemen”  Gen. Ahmed Asiri

Riyaad, (SLP)- Xulafada uu Sucuudiga hogaaminayo ayaa sheegay inay soo afjarayaan duqaynta dhinaca diyaaradaha ee dalka Yemen.Saudi

Muddo ku siman bil ayuu socday weerarka dhinaca circa ah ee ay ciidamada Sucuudiga iyo xulafadiisu garaacayeen, waxaanay ku dhawaaqeen xulafadaasi inay ku bedelayaan talaabo kale oo ay dib ugu dhisayaan dawladdii. Sidaa waxa shaaciyay telefishanka qaranka ee dalka Sucuudiga.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa aaminsan inay tirtireen goobihii ay xuutiyiintu awoodda ku lahaayeen, kuwaasoo taageero ka helayay dalka Iran.

Sucuudigu waxa uu sheegay inay doonayaa inay dibu dhis ku sameeyaan dawladda caalamku taageersan yahay ee dalka Yemen.

Bishan gudaheeda masuuliyiinta Sucuudigu waxay sheegeen in dhamaan hubkii iyo dhismeyaashii ay Xuutiyiintu lahaayeen ay diyaaradahoodu burburiyeen, kuwaasoo ay ku lahaayeen magaalada caasimadda ah Sanca.

“Waa la gaadhay hadafkii Yemen, waxaanu ahaa qorshe wanaagsan, isla markaana sidii ugu haboonayd loo fuliyay, waxaana ku amaanan duuliyeyaashii, badmaaxeyaashii iyo askartayadii.” sidaa waxa yidhi af-hayeenka xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo Gen. Ahmed Asiri.

“Weijga labaad wuxuu noqon doonaa sugidda amniga iyo la dagaalanka argixisada. Ciidamada dhulka ayaa sii wadi doona ilaalinta xuduudda, si ay uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay xaalada deganaansho la’aan ah abuuraan.”  ayuu hadalkii sii raaciyay Gen. Ahmed Asiri

Laakiin wixii ka baxsan awoodda ciidanka, waxay Sucuudiga iyo xulafadiisu sheegeen inay ku waajahayaan xal siyaasaddeed.

Hadafka ugu weyn waxa weeyaan inYemen sideedii lagu soo celiyo, amaanka iyo xasiloonidu, waa nidaamka loo marayo dhismaha siyaasaddeed ee dalka” sidaa waxa lagu qoraal ay si wada jir ah usoo saareen Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn, Qatar iyo Kuwait.

 

Somalilandpost.net