Su’aalo la iska weydiiyey Socdaal si qarsoodiya Madaxweyne Geelle ugu Baxay Faransiiska oo jawaabo loo helay iyo Jabuuti oo Dhoofasanaysa Kheyraadka Badda Somaliland

Djibouti (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa shaaca ka qaadday inay diyaar u tahay xidhiidh dhinaca Kheyraadka Badda ah oo dhexmara Somaliland, isla markaana ay Badda Somaliland ka dhoofsan doonto Badeecado Kalluunku ka mid yahay.

Djibouti President Ismail Omar Guelleh is seen in this undated handout picture from the Presidential Press Service. Guelleh accused French magistrates on August 29, 2007 of politicising an investigation into the death of a French judge in the Red Sea state 12 years ago.  REUTERS/Presidential Press Service/Handout (DJIBOUTI).  EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS.Raysal-wasaaraha Jabuuti  Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa sheegay inay ka wadahadleen Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada Shacab ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi; “Waxaan ka wada xaajoonnay xidhiidhka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada shacab iyo sidii loo xoojin lahaa.”

Raysal-wasaare Kaamil, oo wax laga weydiiyey kulan dhexmaray Wefti Somaliland ka socday oo Wasiirka Kalluumaysigu hoggaaminayey, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo iskaashiga iyo xidhiidhka Somaliland ay wadaagaan, waxaanu yidhi; “Waxaan si weyn u ammaanaya iskaashiga aan la soo koobi karin ee Booliiska Somaliland iyo kuwa Jabuuti ku wadaagayaan baadhitaanka weerarkii argaggixiso ee bishii May 24-keedii ka dhacay Jabuuti.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale, ayaa sheegay in dalkiisa iyo Somaliland iska kaashan doonaan dhinaca Kalluumaysiga, waxaanu yidhi; “Waxaan iska kaashan doonnaa Somaliland dhinaca Kalluumaysiga iyo sidii Jabuuti uga soo dhoofsan lahayd Kheyraadka Badda.”

Dhinaca kale, socdaal dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegay dalka Faransiiska oo is-weydiin kala duwan qeybaha bulshada dalkaasi ka bixiyeen, ayaa la ogaaday waxa uu ku saabsanaa.

Sida lagu daabacay Wargeyska Indian Ocean Newsletter toddobaadkan, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Geelle lagaga sameeyey qalliin kooban jilibka lugta bidix, kuna soo laabtay dalkiisa toddobaad ka dib  intuu bogsanayo.

Xogaha Wargeysku baahiyey ayaa lagu sheegay in qorshaha Safarka Madaxweyne Geelle ahaa sidii loogu samayn lahaa qalliin buuxa oo lagu beddelo kuraanta Ruugga, balse aakhirkii uu ka baaqsaday, cawaaqibka qalliinka awgeed.

 

XIGASHO: HIMILO