South Sudan oo noqday Dalka 5aad ee ka faa’idaysanaya Korontada Ethiopia iyo Qorshaha Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Dalka Koonfurta Suudaan, ayaa dhawaan heshiis kula galay dowladda Ethiopia inay ka iibiso Korontada laga dhaliyo biyo-xidheenka weyn ee Gerd.

Wefti ka socda dowladda South Sudan oo toddobaadkii hore booqasho ku tagay caasimadda Addis Ababa, ayaa dowladda Ethiopia Heshiis kula inay ka iibiso korontada biyo-xidheenka Gerd, iyadoo saddexda sanno hore South Sudan heli doonto koronto dhan 100 MW, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wakaaladda Korontada ee Ethiopia.

Ethiopia oo qorsheynaysa inay noqoto xuddunta laga dhoofiyo korontada jaban ee gobolka, ayaa hore heshiis ay korontada kaga iibinayso ula gashay dalalka Kenya iyo Tanzania.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay u qorsheysan tahay dowladda Ethiopia sidii ay korontada qiimaha Jaban ugu dhoofin lahayd dalalka Rwanda, Somaliland iyo Burundi.

Korontada Ethiopia oo laga dhaliyo biyo-xidheenka weyn ee Gerd iyo biyo-xidheenno yaryar oo ku yaalla dalkaas, ayaa la qorsheeyey inay daboolaan baahida korontada Shacabkeeda oo lagu qiyaaso 110 Milyan iyo sidoo kale dalalka la-deriska ah.

Haseyeeshee, waxa la tilmaamaa inay gudaha dalkaas ka jirto baahi koronto iyadoo boqolkiiba 60 shacabka dalka Ethiopia aanu helin koronto ku filan.

Ethiopia ayaa xilligan koronto gaadhaysa 254 Mega Watts u dhoofisa dalalka Sudan iyo Djibouti, waxaana sagaalkii bilood ee uu dambeeyey korontada labadaas waddan loo dhoofiyo uga soo xerooday adduun lacageeda oo gaadhaya $37 Milyan, sida lagu sheegay warbixin sannadeed ay soo saartay wakaaladda Korontada ee Ethiopia.

Mashruuca Tamarta Korontada biyo-xidheenka GERD oo ah ka ugu weyn qaaradda Africa, ayaa awood u leh inuu soo saaro Koronto lagu qiyaasay 5,000 MW, ayaa si rasmi ah wax-soo-saarka u bilaabay bishii February ee Sannadkan.

Dhismaha mashruuca Biyo-xidheenka GERD oo la bilaabay April, 2011, waxa ku baxay adduun lacageed oo ka badan $4 Bilyan, waxaana dalalka qaadhaanka looga ururiyey ka mid ah Somaliland, iyadoo ganacsatada iyo shacabkuba ka qayb-qaateen qaadhaan-ururinta bilowgii dhismaha mashruucan.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net