Sooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka, Aasaaskoodii iyo Tifaftirayaashoodii – W/Q: Cali Cabdi Coomay

cali coomayWargeysyadii 1949-kii ilaa 1960-kii.

  • Wargayskii ugu horeeyey ee ka soo baxa waxa la odhan jiray AL-UMMA, oo micnaheedu yahay ummaadda. Waxaanu soo baxay sannadkii 1949-kii. Wuxuu ka soo bixi jiray wiigii hal-mar. luuqada af-carabiga ayuu ku soo bixi jiray. Waxa lagu diyaarin jiray Hargaysa,waxaan lagu soo daabici jiray dalka Yaman. Waxa soo saari jiray Cali Maygaag Samatar iyo Jaamac Jibriil Rooble
  • Wargeyskii labaad waxa la odhan jiray AL-SOMAL, wuxuu soo baxay sannadkii 1951-kii. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Maxamuud Jaamac Uurdoox.
  • Wargeyskii saddexaad waxa la odhan jiray AL-LIWA wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii. Micnaha Al-Liwa waa calanka.wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi. Waxa soo saari jiray Ahmed Yuusuf Ducaale.
  • Wargeyskii afraad waxa la odhan jiray QARNI-IFRIIQIYA, wuxuu soo baxay sannadkii 1958-kii badhtamahiisii. Macnaha wargayska ayaa ahaa Geeska Afrika. Wuxuu ku soo bixi jiray af-carabi.waxa soo saari jiray Cumar Maxamed C/rahmaan(Cumar dheere).
  • Wargeyskii Shanaad waxa la odhan jiray AL-SARAAXA, oo micnaheedu yahay runta. Wuxuu soo baxay sannadkii 1959-kii. Sida kuwii hore ayuu af-carabi ku soo saari jiray. Waxa soo saari jiray C/casiis Xaaji Ismaaciil (Dakharre)
  • Wargeyskii lixaad waxa la odhan jiray Somalilandnews, oo micnaheedu yahay warkii Somaliland. Wuxuu ku soo bixi jiray af-ingiriisi. Waxa soo saari jiray C/rixiin Caabbi Faarax.

Wargeysyadii 1991-kii ilaa 2015-ka

  • Wargaysyada soo baxay waxa ka mid ahaa CODKA HARGEYSA, waxaana soo saari jiray C/rahmaan Yuusuf       Cartan, Cumar Jaamac, C/laahi Jaamac Max’ed, Nuur Faarax Xirsi , Cumar Iidle Saleebaan, Cawad Saalax iyo Muuse F. Jaambiir.
  • Wargayska XORRIYO ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay. Waxa soo saar jiray C/laahi Adan Cumar (Wayab), Faysal Fadhfadhle, Muuse Aadan Yuusuf iyo Xuseen Cali Nuur.
  • Wargayska Jamhuuriya ayaa ka mid ahaa wargays-yada soo baxay 2.Nov. Sannadkii 1991-kii.

Aasaasayaashii: Xasan Siciid Yuusuf, Faysal Cali Sh. Maxamed iyo Ibraahin Muxumed Aw-Axmed.

Tifaftireyaashii: Xasan Siiciid Yuusuf, Axmed Siciid Cige, Xuseen Cali Nuur, Faysal Cali Sh. Maxamed, Xariir Faarax Ducaale, Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed Cabdi Cirro.

F.G: Faysal Cali Sheekh wuxuu ii sheegay inuu ahaa suxufigii ugu xadhiga badnaa warbaahinta Somaliland. Wuxuu xidhnaa isku-geyn 400 oo maalimood. Dhinaca kalena Xasan Siciid ayaa isna ka mid ah suxufiyiinta xadhiga badan la kulantay.

  • Wargayska Waddani ayaa soo baxay muddo yar ka dib. Wargayskani muu sii jirin muddo badan. Waxa soo saari jiray Xasan Maxamed Yuusuf iyo Carraale.
  • Wargayska Baraarug ayaa soo isna soo baxay, oo ay soo saari jireen kooxo wadaado ah.
  • Wargayska Maandeeq oo imika la yidhaa Dawan ayaa soo baxay ka dib waxaana soo saari jiray Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka), Axmed Cirro iyo Faysal C/laahi Cabdalle. Waana 1998-kii.
  • Wargayska Haatuf oo soo baxay sannadkii 2001-dii.

Aasaasayaashii: Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Ducaale Bulaale, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), Axmed Cali Garas iyo Muuse Faarax Jaambiir.

Tifaftireyaashii soo maray: Siciid Guraase (AUN), Maxamed Ibraahin Sagax, Maxamed Cismaan Dubbe oo imika ah Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee wasaarada arrimaha gudaha, Cali Cabdi Diini iyo Axmed Cali Cige

  • Wargayska Ogaal oo soo baxay sannadkii 2005-tii

Aasaasayaashii: Muuse Faarax jaambiir, C/weli Faarax Jaambiir (AUN).

Tifaftireyaashii soo maray: Mustafe Sh. Cumar, Maxamuud Walaaleeye, Barkhad M. Kaariye, C/fataax Mursal, Khadar Iid Kaariye iyo C/fataax Ismaaciil.

  • Wargayska Geeska Afrika oo soo baxay sannadkii 2006-dii

Aasaasayaashii: Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo). Tifaftire: Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo).

  • Wargayska SaxanSaxo oo soo baxay sannadkii 2007-dii. Aasaasayaashii:

C/laahi Daahir Cukuse.

Tifafireyaashii soo maray

C/risaaq Maxamed Dubbad iyo Cali Cabdi Diini

  • Wargayska Waaheen oo soo baxay sannadkii 2008-dii

Aasaasayaashii: Prof. Axmed Xuseen Ciise iyo Maxamuud Jaamac Xuuto

Tifafireyaashii soo maray: Maxamuud Jaamac Xuuto, Siciid Ismaaciil Guraase (AUN) iyo Naasir Maxamed C/laahi waana tifaftiraha ugu da’da yar.

  • Wargayska Yool oo soo baxay sannadkii 2008-dii. Maxamed Cabdi Curad ayaa Aasaasay Tifaftire ka ah.
  • Wargayska Saxafi oo soo baxay sannadkii 2009-kii. Aasaasayaashii:

Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax (AUN), C/fataax maxamuud caydiid, C/fataax dheeg Axmed, Barkhad-Ladiif Muxumed Cumar iyo Maxamed-Amiin Jibriil.

Tifaftireyaashii soo maray: C/fataax Maxamuud Caydiid iyo Mustafe Sh. Cumar.

  • Wargayska Foorre oo soo baxay sannadkii 2011-kii. Aasaasayaashii:

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase), Mukhtaar Muxumed Xasan iyo C/laahi Maxamed Axmed (Gacma-dheere). Tifaftire: Maxamed Maxamuud Yuusuf(Ilkacase).

  • Wargayska Somaliland today oo soo baxay sannadkii 2012-kii. Aasaasayaashii: Muniir Axmed Cigaal. Tifaftire: C/qaadir Adan Cali
  • Wargayska Himilo oo soo baxay sannadkii 2013-kii. Aasaasayaashii: Madar Cabdi Axmed. Tifaftire: Khadar Iid Kaariye.
  • Wargeyska Sahan oo soo baxay sannadkii 2014-kii. Aasaasayaashii: Axmed C/raxmaan Xirsi (Heelo). Tifaftire: Siciid Khadar C/laahi

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

Protectorate Office for Media………….Unpublished Paper

Sooyaalka Somaliland 26 June ka hor…… Sayid-Maxamed Yuusuf

Yuusuf Geelle Waaberi…..Goob-Joogle..1955 ilaa imika

Baadhis iyo xog-ururin