“Soomaaliya Waxay Doonaysaa Inay Ciidan Keento Xuduudda Inoo Dhexaysa, Kuwaasoo Khatar Ku Ah Nabadda Geeska Afrika” Wasiir Waran-cadde

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaal ugu maqnaa waddamada Imaaraat-ka iyo Itoobiya oo maanta dalka kusoo laabtay ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo natiijada uu kala soo noqday.

Wasiir Waran-cadde oo maanta kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ayaa warbaahinta u sheegay inuu kulamo la qaatay madax ka tirsan Imaaraatka, Itoobiya iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen ciidamo ay Soomaaliya doonayso inay keento xuduudda u dhexaysa Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay qaar khatar ku ah nabadda geeska Afrika.  “Waxaan tagey waddamada Imaaraatka iyo Itoobiya, waxa kale oo aan habeen hore casho ku lahaa ee dalka Itoobiya, runtii waddamadaa aynu saaxiibka nahay ee aanu madaxdooda is-aragnay waxaanu kala hadalnay arrin khatar ku ah geeska Afrika oo ay daba ka riixayaan maamulka Soomaaliya ka dhisan ee Muqdisho oo runtii ah in ciidamo ururis ah oo ay doonayaan inay keenaan xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexaysa, sida aad la socotaan, waxaynu in muddo ah ku wada-hadal dhinaca siyaasadda ah, waxaana wada-hadalkaas fashiliyay maamulka Soomaaliya, ka dib markii ay keeneen dad aan ahayn dadkii aynu fadhinay ama wada-hadalku ka dhexeeyay Somaliland, waxaana maanta muuqata in arrintii siyaasaddeed ay u rogeen mid ciidan.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha guduhu.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Soomaaliya wada-hadalkiis siyaasaddeed ee burburay u bedeshay arrin ciidan, waxaanu yidhi. “Waxay wadaan inay keenaan ciidan ururis ah oo ilaa saddex kun oo askari ah, caalamkana ay waydiisanayaan inay ka caawiyaan, iyagoo u tusaya inuu yahay ciidan Soomaaliyeed, laakiin ujeedadiisu ay tahay sidii loogu khalkhal-gelin lahaa gobolka geeska Afrika nabadiisa, gaar ahaana Somaliland iyo horumarkeeda, waananu kala hadalnay madaxdaanu la kulanay khatartay leedahay iyo in wax laga qabtaba.”

Somalilandpost.net