SOOMAALIYA: Wararkii U Dambeeyay Ee Weerarka Hotel Saxafi iyo Amisom oo Soo Afjaray

.

Muqdisho(SLPost) – Ciidamada Ammaanka Somalia oo kaashanaya kuwa midawga Africa ee Amisom, ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo afjaridda weerarkii hotel Saxafi. galinkii hore ee Axadda ayaa halkaasi ay ka socotay is rasaasayn u dhexaysa dablayda Al-shabaab iyo ciidamada Somalia.Saxafi1

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa isagana hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay ku sheegay in lasoo afjaray howlgalkii Hotel Saxafi, xaaladda hoteelkuna ay deggen tahay.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay ilaa 28 kalena way ku dhaawacantay weerarka oo subaxnimadii hore ee Axadda lagu qaaday  hotelka Saxafi oo ku yaala badhtamaha caasimada Somalia ee Muqdisho.

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa afaafka hore ee hotelka lagu qarxiyay xilli ku beegan abaaro 6-dii subaxnimo oo wax yar dhiman, waxaana daba socotay qaraxa rasaas ay adeegsadeen dablay weerarka gaysatay, waxaana gudaha hotelka ka socotay rasaasta u dhexaysa ilaalada hotelka iyo kooxda.

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan militariga Somalia Jeneral Gacma Duule iyo safiirka Somalia ee Ethiopia Ambasador Cabdisalaan Xaaji Aadan, sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ka mid ah sawir qaade ka tirsan telefishanka Al-jazeera, waxaana lagu magacaabi jiray mustafe Cabdi Shafana.

Inkasta oo aanay faahfaahin dheeraad ahi ka soo bixin weerarkan haddana Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan laba qarax hotelka lala eegtay, ilaa haddana saraakiishu aanay faahfaahin bixin karrin maadaama hawlgal lagu jiro.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka. Kooxda ayaa Hotelada u beegsata in hotelladu marti galiyaan madaxda dawladda sida xildhibaannada Baarlamaanka, wasiirada iyo saraakiisha kale oo qaarkood hotelka degan yihiin kuwo kalena ay inta badan yimaadaan.

 Hotelka ayaa ku yaala jidka Km4, waxaanu u dhaw yahay madaarka, iyadoo ka soo horjeedkiisana xarunta sirdoonka Somalia ku taalo.