SOOMAALIYA: Wakhtiga xukuumadda aan weli la magacaabin loo gudbinayo baarlamaanka oo la shaaciyey iyo QM oo ka hadashay

New York (SLpost)- Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga baarlamaanka la horgeyn doono ansixinta xukuumad aanu weli magacaabisteeda ku dhawaaqin Raysal-wasaare Sharmaarke, oo hore u codsaday inuu wax-ka-bedel iyo dhamaystirku soo sameeyo magacaabista labaatan wasiir uu hore u sheegay.

Wakiilka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay Mr. Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in xukuumada cusub ansixinteeda loo gudbin doono baarlamaanka isniinta soo socota, isla markaana aan la dafiri Karin in caqabado jireen bilahii la soo dhaafay, xilli uu xaalada Soomaaliya warbixin ku saabsan ka jeedinayey fadhi golaha amaanku lahaa shalay. “isniinta soo socota ayaa baarlamaanka loo gudbin doonaa ansixinta xukuumada cusub, inkastoo bilahii la soo dhaafay caqabado aan la dafiri Karin jireen.

somaliDhinaca kale, wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Kay ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya caqabad ku yahay sidii dalkaasi doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen sannadka 2016-ka, waxaanu yidhi, “Sannadkan waxuu noqonayaa mid go’aamiya in Soomaaliya xasilooni iyo midnimo gaadhi karto.”

“Soomaaliya weli waxay ka laadlaada gebbi,” ayuu sheegay Mr. Kay, inkastoo uu raaciyey inay jiraan calaamado dhiirigelin muujinaya sida booqashiiyinkii u dambeeyey ee xoghayaha qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon.
SOMALILANDPOST.NET