“Soomaaliya maaha Dal madax-bannaan, waxa lagu maamulaa Dastuurka Qaramada Midoobay” – Marwo Foosiya

Hargeysa (SLpost)- Raysal-wasaare ku-xigeenka hore iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, xilliganna ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalkaas Marwo Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa rejo-beel ka muujiyey nidaamka dowladnimo iyo jiritaanka haykalka dhismaha dalkaasi Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay inuu yahay waddanka kaliya ee aanay dadkiisu gacanta ku haynin aayo-ka-talintiisa iyo gaadhista go’aamada aasaaska u ah jiritaankiisa.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dalliishanaysa waayo-aragnimada ay u leedahay siyaasadda beesha Caalamku kula dhaqanto Soomaaliya maadaama ay hore u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda xilligii madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ay bannaanka soo dhigtay fadeexado ku gedaaman hab-dhaqan iyo siyaasad gaar ah oo beesha caalamku u jidaysay in lagu hoggaamiyo dalkaasi Soomaaliya.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay sheegtay in majaraha siyaasadda Soomaaliya ay diyaariyeen isla markaana ay soo jaan-gooyaan shaqsiyaad ajaanib ah oo loo xil-saaray, kuwaas oo ay xustay in fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa kale oo ay xustay in siyaasadda Soomaaliya lagu hoggaamiyo laga soo dheegay Cutubka Toddobaad (Chapter 7) ee dastuurka Qaramada Midoobay oo sida ay sheegtay ka dhigan inaanay Soomaaliya ahayn waddan madax-bannaan, kaas oo burinaya isla markaana ka hor imanaya Dastuurka dalkaas.

Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qayb-gashay madal lagaga dooday siyaasadda Soomaaliya ee xilligan, waxa ay kaga dhawaajisey in gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho uu ku dhexyaallo waddan kale oo laga hago isla markaana majaraha loogu jeexo siyaasadda lagu hoggaamiyo dalkaas, kaas oo ay ku sheegtay inuu yahay Xerada Xalane ee gudaha magaalada Muqdisho oo ay deggen yihiin, hoyna u ah hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah iyo dibloomasiyiinta shisheeye.

Waxa ay Foosiya ka sheekaysay dhacdo fejeciso ku abuurtay oo khuseysa aragtida beesha caalamku ka aamisan yihiin Soomaaliya oo ay la kulantay sannadkii 2015-kii oo ay ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, taas oo ay kala kulantay mid ka mid ah shaqsiyaad ajaanib ah oo loo xil-saaray inay dejiyaan siyaasadda dalkaas. Waxa ay sheegtay in shaqsigani u sheegay inaanay Soomaaliya noqon doonin waddan jira oo cagihiisa ku taagan oo shacabku madaxdooda soo doortaan illaa laga gaadhayo sannadka 2028-ka, balse aanay shaqsigaas ka helin caddeymo uu u daliishanayo sheegashadiisa oo ay su’aal ku celiyeen. Waxa ay sheegtay in shaqsigan oo ah nin caddaan ah oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi uu isagu soo dejiyo isla markaana diyaariyo nooca doorashada laga qabanayo Soomaaliya iyo qaabka looga qayb-galayo.

Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Soomaaliya ka qabata xilalka Raysal-wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibedda oo ay isku xilli haysay, waxa ay sheegtay in Soomaaliya laga maamulo oo ay hoos-tagto Golaha Ammaanka ee Soomaaliya maadaama oo sida ay sheegtay lagu xukumo dastuurka Qaramada Midoobay.

“Cutubka toddobaad (Chapter 7) ee Dastuurka Qaramada Midoobay, waxa lagu xukumaa Soomaaliya, maahana dowlad madax-bannaan. Dalka loo taag-waayo ama dhibaatadiisu badato ama lays leeyahay isma maamuli karaan, ayaa lagu xukumaa; taasoo ka dhigan inaad hoos tagto Golaha Ammaanka (Security Council). Xoghyaha Guud ee Qaramada Midoobay nin baa u qaabilsan Soomaaliya oo u jooga, kaasina waa iska madaxweyne kale.” Sidaas ayay tidhi Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hadlaysay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net