SOOMAALIYA: Hudheelada Muqdisho oo Amar Amniga ku Saabsan Lagu Soo Rogay

Muqdishu(SLpost)-Hay’adda Nabadsugida Somaliya ayaa amarro cusub oo dhinaca amniga ah dul-dhigtay hoteellada Muqdisho, kaddib kulan madaxda hay’addaha ammaanka iyo mulkiilayaasha hoteellada ku dhex maray xarunta NISA ee Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka amniga gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed iyo agaasimaha nabadsugida Qaranka, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur Yare, saraakiisha amniga iyo mulkiilayaasha hoteellada Muqdisho.

Markii kulanku soo dhammaaday ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsanaa amarro cusub oo amniga hoteellada lagu sugayo, kaddib markii uu kordhay weerarada Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyay la beegsaneysay hoteellada Muqdisho.

Haddaba; amarrada kasoo baxay hay’adda NISA ayaa sidan ah:

  1. Hoteel walba waa inuu Sameeyaa Labo Kontorool Baaxadda u dhaxaysa Kontoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah Albaabka laga soo galayo,waa in uu yahay Masaafo dhan 100 Mitir.
  2. Waa in Hoteel walba uu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.
  3. Dadka Degaya Hoteelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.
  4. Qof kasta oo soo booqanaya Muwaadin degan Hoteelka waa in laga Qoraa Qofka uu soo booqanayo,Qofkasta oo ka soo Shaahenaya Hoteelka ama u soo sheeko Doonanaya waa in laga diiwaan galiyaa ID CARD uu wato Ama Magaciisa la qoro.
  5. Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeynaya waa in laga Diiwaan Galiyaa Xarunta NISA ee Degmada uu ku yaal Hoteelkaas,lana mariyaa Baadhitaan Amni Shaqaale walba,waxii Caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo Xadhiidhi karaan Hay’addaha Amniga.
  6. Hoteel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala Xisaabtami doonaa Mulkilaha Hoteelka.
  7. Hoteel Walba waa inuu leeyhay Qalabka Casrigaa ee Gaadiidka iyo Dadka.

Ugu dambeyn, waxaa lagu amray hoteelkii buuxin waaya sharuudaha kor ku xusan inaanu shaqayn doonin.