Soomaaliya: Dagaal ka Dhacay Beledwayne

Beleweyne(SLpost)- Iska horimaadyo culus ayaa saaka ka dhacay xaafadda Hawlwadaag oo ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu wali socdo sidaa darteed aan wali la sixi Karin tirada rasmiga ah ee dhimashada balse tirade dhimashada ee aannu imika haynno ayaa ah ugu yaraan siddeed qof.

 

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kuwada sugan xaafadda Hawlwadaag waxaana la sheegayaa in uu ka dhashay markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka mid ah labada maleeshiyo beeleed ay dalbatay in canshuur laga siiyo, halka kooxdii kalena ay ku gacan saydhay.

 

Toddoba ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ahaa maleeshiyadii dagaalku uu dhex maray, halka qof kalena uu ahaa rayid. Waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay 11 ka mid ah maleeshiyada.

 

Ciidammo ka tirsan kuwa hawlgalka midawga Africa AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa u dhaqaaqay goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyada iska soo horjeeda, balse waxaa muuqata in wali rasaastu halkeedii ka sii socto mar marka qaarna la maqlayo hub culus oo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

 

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqaya dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jiranna ku dhameeyaa wadda-hadal.