SOOMAALIYA: Colaaddii Gaalkacayo oo Heshiis laga Gaadhay

Muqdishu(SLpost)-Colaaddii ka taagnayd magaalada Galkacayo ayaa laga gaadhay  heshiis is afgarad,waxaana la soo saaray afar qodob oo xal loo arkay.

 

Raysal-wasaaraha Somaliya,Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Maamulka Puntland, iyadoo maxaabiistan uu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.

Shir jaraa’d oo Gaalkacyo ay ku qabteen madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed iyo R-W Somaliya Sharma’arke ayaa waxay ku sheegeen inay isla meel-dhigeen afar qodob oo xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo lagu xallinayo.

“Mas’uuliyiinta ka socda dawladda Somaliya iyo maamul-goboleedyada Gaalkacyo u yimid xallinta colaadda ka taagan waan u mahad-celinaynaa; marka labaadna waxaan aqbalnay 4-qodob oo ay xubnahan noo soo jeediyeen, kuwaasoo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo,” ayuu yidhi Madaxwayne Guuleed.

  1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo
  2. In Ciidamada is-hor-fadhiya la kala Qaado
  3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo
  4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Soomalia.

 

 

Raysal wasaaraha Somalia ayaa isaguna sheegay inay ka go’an tahay in xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo xal-waara laga gaadho, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay maxaabiista uu madaxweynaha Galmudug ku wareejiyay iyo sida ay u aqbaleen qodobadii ay soo jeediyeen si loo xalliyo colaadda ka jirta Gaalkacyo.

“Waxaan ku faraxasan-nahay in afartii qodob ee aan soo jeedinnay ay madaxda Galmudug nala qaateen; weliba waxaan kusii adkeynayaa in colaada la joojiyo iyo in labada dhinacba ay isku waqti ku baaqaan nabad, ayna yidhaahdaan wixii maanta ka dambeeya colaadi kama dhacayso magaaladan”ayuu yidhi Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isla maanta soo gaadhay Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland.