Soomaaliya: Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Khilaaf-siyaasadeed ee ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil

Nairobi (SLpost)- Beesha Caalamka ayaa war-saxafadeed ka soo saartay Khilaafka siyaasadeed oo ak dhex-aloosan madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa ka dhashay kiiska gabadh lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda sirdoonka dalkaas ee NISA sheegtay iney dileen Al-shabaab, in kasta oo Shabaab ay iska fogeysay dilka gabadhaas oo u shaqaynaysay Sirdoonka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo madaxda dowladda ka dhex abuuray khilaaf siyaasadeed xoogan oo ay sheegen inuu saameyn ku yeelan karo hanaanka doorashada dalkaas.

“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baadhitaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado.”

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii March ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaadheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble”, Sidaas ayaa lagu yidhi war qoraalka ka soo baxay Beesha Calaamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in kiiska Ikraan Tahliil uu u baahan yahay in lagu sameeyo baadhitaan lagu kalsoonaan karo, waxaanay ku baaqay in deg-deg loo xaliyo khilaafka ka dhashay arrintan.

Somalilandpost.net