SOOMAALIYA: Al-Shabaab iyo Shicib Diidan Sako ay ka Qaadi Jireen oo Dagaal ku Dhex Maray Hiiraan

Hiiraan(SLpost)-Wararka ka imanaya deegaanka Afcad oo dhowr iyo soddoon KM u jira degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray ururka Al-Shabab iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dadka deegaanku ay diideen inay bixiyaan sako la sheegay in ururku uu ka qaadi jiray.

sakada Al-Shabaab ay dadka ku soo rogeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid bil kasta ah, isaga oo qofkii leh 10 neef oo xoolo ah ay ka qaadi jireen hal neef, kii leh 20-na ay ka qaadi jireen 3 neef.

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa VOA u sheegay in afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, tiro kalena looga dhaawacay.

 

Source: VOA