Soomaalida iyo Qosolka – W/Q: Ceelaabe

Suuratu An-Najm  Aayah 43 “Eebe waakan wax ka Qosliya kana oohiya”.Halkaasi waxa aynu kala soo baxeynaa in Qosolku wax Jira uu yahay isla markaasina ku beeran yahay kuna Jiro Dareenada aadamiga.Waxaan kala soo bixi karnaa in Qofku uu qosli karo oo ay Jiraan xaalado iyo Marxalado farxad ah oo Qofka soo Mari kara kuwaasi oo ku keena Qosol ama dhoolacadeyn intaba.Waxa Sunaha ku sugan in qofku wakhtiyada farxada uu Muujin karo dhoolacadeyn iyo qosol aan aad afka loo kala qaadin.Waxa Jirta Xikmad odhaneysa in badan ilaahay ka cabso oo ka baq cadaabkiisa,arintaasi oo qofka ku Yareyn karta qosolka,sidoo kale waxa Isla xikmadani ku sii Jirta qosol oo farax si ku Munaasib ah dhaqanka diinta Islaamka. Waxa Nabi Muxumad (NNKH) laga soo Wariyey in uu Yidhi haddii aad ogaan laheydeen waxaan anigu ogahay in badan ayaad ooyi laheydeen waxyarna waad qosli laheydeen.

Dadka ku caan baxay matalida iyo masraxa riwaayadaha qosolka iyo maada leh Ayaa bulshadeena ku dhex Nool.Jilida Riwaayadaha ama Filimaanta qosolka leh ayaa Si gaar ah loo Xiiseeyaa.hal abuurnimada sameynta arimo qosol dadka ku keena ayaa ah mid meelo badan laga Jecel yahay.Barnaamijyo iyo Riwaayado ay qabtaan dad ku Shaqeysta Comedian ayaa Aduunyada ka caan ah.Filimaan taxane ah oo dhacdooyin qosol leh laga Matalay ayaa si Joogto ah loo Daawadaa.Carabta,Hindida,Mareykanka iyo Soomaaliduba waxa ay Leedahay Suugaan badan oo Qosol dadka ka keena.

Rag ku caan baxay soo bandhigida iyo muujinta qosolka ayaa soomaalida caan ka ah laguna Tixgeliyaa Shaqadaasi.Abwaano ama rag iyo Dumar loo Dhiibo Riwaayadaha oo ku soo baxay habka dhigista iyo matalida Masraxa ayaa dad badan qosol af kala qaad ah ku keena.ragii riwaayadaha matali jirey qosolkana ku caan baxay ama dadka ka qoslin jirey laguna qori jirey inta  qosolka leh,qaarkood wey dhinteen,qaar kale waa da,xanuunsaneysa,qaarkood Qurbaha ayey u yaaceen halka qaar kale wadanka iska Joogaan.Ragii Jacburka qosolka leh sameyn Jirey ayaa hore u dhintey.reer waqooyiga ayaa ugu badan dadka Qosolka iyo jilidiisa Heysta.Qurbaha iyo wadanka Gudihiisaba waa laga Jecel yahay dadka ku caan baxay Matalida iyo Jilida arimaha Qosolka leh.

Dadka suugaanta Sameeya,Kuwa Wargeyska iyo Jaraa,idka soo saara ama isku soo duba Rida Aflaamta la daawado ayaa Hal abuura Arimo qosol leh, ama Dhacdooyin qofka Istareex ku dhalin kara.Ila qosol lagu uruuriye Buugaag,Qoraalo kale,sheekooyin,wada sheekeysi qosol ku jiro Sawir Kartoon qosol leh iwm ayaa inagu Dhaliya qosol aan kala joogsi laheyn marar badan.Dadka Khudbadaha akhriya ama dadka kala hadla Fagaarayaasha ayaa qaarkood lagu bartay arimo badan oo dadka qosol ku keena aadna loo Jecleysto.Kaftano iyo Sawiro Muqaalo Cartoons ah ayaa Saxaafadu dadka ku Qosol gelisaa.barta Internetka ayaana ah meelo laga heli karo Muqaalo iyo Qoraalo in badan kaa Qoslin kara.

Riyaawadaha goo gooska ah ama gaagaaban iyo Filimaan kooban ayaa wakhtigan badalay Riwaayadihii caanka ahaa.Arimaha nolosha ku cusub iyo Dhacdooyinka Yaabka leh ayaana lagu soo qaataa Jilidaasi.Dadka qaar ayaad Mooda in ay hibo iyo Muqaal ama cod u leeyihiin keenida iyo Sameynta Qosolka.Masraxa ama Ogeysiiska riwaayada marka lagu soo qoro waxa Dhigaaya ……………….. waxa Hubaal ah in dad badani ay iska soo buuxin doonaan Kuraasta.Isku buuqa, warwarka,Murugada nolosha ku Jirta ayaa la iskaga soo saarayaa Qosolka iyo Riwaayadaasi.Jilaaga Qeybta qosolka oo aan kaa qajileynin oo aad Moodo in balwadaha qaar qofka ku keenaan in uu Masraxa isa soo taago ayaa in badan kaa qoslin doona Meelaha loogu talo galay.Arimaha Siyaasada,Badi Jaceylka,Deegaanka,Ganacsiga,Dhoofka,Waxbarashada,Loolanka raga iyo Dumarka ayaa lagu soo qaataa Ila qososha inta badan.

Soomaalida dad hadal badan ayaa lagu Tilmaamaa,Dad qeylo badan,Dad qosol badan,Dad kaftan iyo Sheeko badan,Dad wax badan afka iskala gala.Dad Maqaaxida buuq iyo Qeylo ku fadhiya,Dad basaska sheeko iyo qosol ku saaran,Dad guriga,Xafiiska iyo Xitaa Masaajidka aan mar qudha Hadal,qosol iyo sheeko joojin karin.

Jilayaal Cusub oo Arimaha qosolka ah ayaa Soo baxay kuwii horena meelaha qaar badalay,Kuwo Xayeysiiska Ganacsi Meheradaha u sameeya ama Cod ku turjuma luqadaha kale,Sida Aflaanta Hindida soomaaliga laga dhigay ama Musalsalada wakhtigan soomaaliga lagu daawado iwm.Rag iyo Dumar intaba wey noqon karaan dadka Ila qosolka Matalayaa,Hase ahaate raga ayaa kaga badan kuna caan ah Jilitaanka qosolka.

Sheekooyin ila qosol ah oo qoran ayaa meelo badan ka buuxa.Aqoon-yahano bulshada ka mid ah Ayaana u leexday dhinaca Qosolka iyo uruurintiisa(Waxaad xasuusan kartaa Diiwaanka qosolka iyo Jamaal) oo ah Musharax Madaxweyne Lacagaha iyo Dhaqaalaha bartay Qosolkana wax ka qoray.Juxaa,Cigaal shidaad etc ayaad Akhrisan kartaa sidoo kale.ila qosol aan  Macno ku fadhiyin iyo arimo been ku saleysan ayaa qosol laga dhex raadin karaa.Waxa kale oo iyaduna Muhiim ah in aad ogaato in Somaalidu ayna isku dhaqan iyo Fan aheyn oo meelo badan xaga arimaha lagu qoslo lagu kala duwanaan karo.Habka jilida iyo Matalida qosolkana waa lagu kala aragti duwan yahay.

Halkan kuma Soo koobi karo Abwaanada ama Jilayaasha Qosolka lagu bartay ama Riwaayadaha caan ku noqday Markaa adigu is Weydii oo Tiro ahaan soo qor.

Qosolka aad afka loo kala qaado,ilaa caloosha laga qoslo,Qeylada badani ku Jirto,aad mararka qaar moodo in qofku suuxey ayaa dad badani leeyihiin inkasta oo diinta islaamku ayna arintaasi inagu dhiirigelin.Dadka lacagta leh wax kasta oo ay Yidhaahdaan waa loo qoslaa.kuwa Xilalka haya ama Siyaasiyiinta wax kasta marka ay Yidhaahdaan waa loo qoslaa.Qosolka Haweenka ayaa sidoo kale ah Mid Xishood laga rabo.Isku soo wada Duub Marna ma soo bixi doonaan rag badala Nimankii ku caan baxay sameynta qosolka wakhtiyadii Dawladii hore iyo Riwaayadihii sida daran dooriga isaga soo dabo dhici Jirey.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com