SOOL: Odayaasha iyo Wax-garadka Deegaano ka tirsan degmada Xuddun oo Qaylo-dhaan ka diray Xannuunka Shuban-biyoodka oo Faro-baas ku haya Deegaankaas

Laascaanood (SLpost)- Degmada Xudun ee Sool  iyo deegaamadda  hoos yimaadda ayaa laga soo sheegayaa in uu ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka, kaasi  oo ay todobaadkii u danbeeyay u dhinteen lix qof isla markaana  ay dad kale oo badan u soo dhaceen xanuunkaasi.

Maayarka degmada Xudun Md. Faarax Cali Ibraahim oo maanta khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda wararka ee Gudgudenews.com  isaga oo joogay magaaladda Xudun, ayaa sheegay in xanuunka shubanka oo ka dilaacay degmada Xudun iyo deegaamadda hoos yimaada, isla markaana uu todobaadkii u danbeeyay dad badan u dhinteen xanuunkaasi kuwo kalena ay hada u jiifaan.

Waxaanu maayarku  baaq qaylo dhaan ah u diray xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba in gargaar caafimaad oo deg-deg ah lala soo gaadho bulshada ku nool degmadda Xudun iyo degmooyinka hoos yimaada.

Faarax Cali Ibraahim maayarka degmadda Xudun, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna wax uu yidhi “Waxaa jira xanuunka Shuban oo ku dhacay dadka waawayn iyo kuwa yar-yarba, dhamaanba deegaamadda ay degmadda Xudun xukunto ee hoos yimaada,  kaasi oo ay dadka qaar u dhinteen waxaana la ii soo sheegay in todobaadkii u danbeeyay ay u dhinteen lix qof, halka dadka intiisa kalena 60% (boqolkiiba lixdan) ay  u soo dhaceen ama uu soo riday oo way u jiifaan  xanuunka Shubanku, tuulooyinka hoos yimaada degmadda Xudun sida Bohol, Aw-Boogays, Hol-hol dhamaanba meel aan la igala soo hadal ma jirto, guud ahaanba deegaamadda Bariga wuu ka jiraa xanuunka Subanku, waxaana si gaar ah looga soo qaylinayaa degmadda Xudun iyo deegaamadda hoos yimaada”.

Faarax Cali Ibraahim ayaa ugu baaqay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda caafimaadka iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka in ay gargaar deg-deg ah la soo gaadhaan dadka ku nool degmadda Xudun iyo deegaamadda hoos yimaada, kuwaasi oo uu haleelay xanuunka shubanka.Waxaanu yidhi “Qoladda caafimaadka ee gobolka Sool waanu u sheegnay in uu xanuunka Shubanku ka dilaacay deegaamadan,  shalay ayaanan gaadhsiinay warbixinta, markaa waxaanu baaq u diraynaa xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda caafimaadka iyo dhamaanba cidkasta oo ka shaqaysa hawlaha caafimaadka  in ay dadkaasi gurmad la soo gaadhaan, isla markaana wixii ay u qaban karaan u qabtaan”.

Maayarka degmadda Xudun ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay in aanay ka jirin degmadaasi haba yaraatee wax xarumo caafimaad ah isla markaana dadk uu xanuunkaasi soo riday aanay jirin meel lagu daaweeyo iyo cusbitaal la jiifiyo midna, “Magaaladu malaha cusbitaal, malaha MCH, mana joogaan wax dhakhaatiir ahi, inkasta oo uu jiro MCH wuu burbursan yahay waxaanu u baahan yahay dib u habayn, markaa xagga caafimaadka aad iyo aad ayay uga liidataa degmadani, waxaan odhan karaa 100% (boqolkiiba boqol) wax adeeg caafimaad ahi kama jiro, waana dhul aad u balaadhan marka loo eego deegaamadda hoos yimaada ee ay degmadani xukunto”.

Dhinaca kale qaar ka mid ah oday dhaqameedka iyo waxgaradka degmadda Xudun ee gobolka Sool  oo iyagna telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda wararka ee Somaliland.org ayaa  ugu baaqay dawladda Somaliland iyo hay’adaha caafimaadba in gurmad deg-deg ah lala soo gaadho dadka uu xanuunkan Shuban biyoodku haleelay.

Cismaan Maxamuud Saalax isaga oo ugu horayn ka hadlayay u jeedada uu noola   soo xidhiidhay waxa uu yidhi “Waxaan idiinla soo xidhiidhay oo aan doonayaa in aan ka hadlo xaalad caafimaad darro iyada oo uu ka dilaacay xanuunka Shubanka  degmaddan Xudun iyo deegaamadda hoos yimaadaba, waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadba in dadkaasi lala soo gaadho gurmad deg-deg ah,  meelaha uu ka dilaacay waa degmadan Xudun gudaheeda, deegaamadda kale ee hoos yimaada iyo dhulka Baadiyaha ah eek u xeeran intaasi oo dhanba wuu ka jiraa oo waa laga soo sheegayaa.”

Waxa kale oo uu ka waramay oday Cismaan tiradda dadka u dhimatay xanuunka Shuban Biyoodka todobadii maalmood ee u danbeeyay ay gaadhayaan ilaa saddex qof isla markaana ay dad kale oo aad u tiro badani u soo dhaceen ama uu soo riday xanuunka Shuban biyoodku,  waxaanu yidhi “Inta aan ilaa hada maqalnay waa saddex qof oo carruur ah, wax adeeg caafimaad ahna weli dadkaasi may helin, dadka uu soo riday aad ayay u badan yihiin waayeel iyo carruurba way isugu jiraan, waxaa sababay in xiligan uu xanuunka Shubanku ka dilaaco degmadan iyada oo aan lahayn ama aanu maamulka degmadu ka shaqaynin isla markaana waxba ka qaban dhinaca ilaalinta caafimaadka oo uu xashiish iyo qashin aad u badani magaaladda dhex yaalo, iyo sidoo kale roobabkii waawaynaa ee dhawaan ka da’ay gobolkani ayaa sababay in uu xanuunkani dilaaco”.

Jaamac Cismaan Caalin oo isna ka mid ahaa madaxdhaqameedka nala soo xidhiidhay ayaa sidoo kale waxa uuug  baaqay dawladda Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha caafimaadka in ay gargaar deg-deg ah la soo gaadhaan dadkan uu xanuunka Shuban biyoodku ku dhacay.

Isaga oo arrimahaasio ka hadlayayna waxa uu yidhi “Baaqa aan diraynaa waxa weeyi horta maamulka degmadani ma jiro wax alla wax uu ka qabtay arrimaha dhinaca adeegyadda bulshadda gaar ahaana caafimaadka, sidaas darted waxaanu ka codsanayaa  wasaarada caafimaadka ee Somaliland iyo xukuumadaba  in dadka ku nool degmadani ee uu soo riday xanuunka Shubanku in ay  wax la soo gaadhaan,  dadkan uu hada soo ritay xanuunku haddii aan si deg-deg ah wax loola soo gaadhin waxaan ka cabsi qabnaa in ay maalmo gudahood ku dhintaan dad aad u tiro badani.”

SOMALILANDPOST.NET