Waa ayaan ayaamaha ka mid ah waana maaalin lawada faraxsanyahay Haa dadku waxay wada xidhanyihiin dhar quruxbadan maasha allah maxaa yeelay waa qalin jabintii dufcadii 2015 ee jaamacadaha ka soo baxay waa maalin ku wayn arday kasta noloshiisana ka tilmaaman oo ka tirsan waa maalin cad ceedi soo baxdo maaalintii ugu farxada iyo faanka badnayd waxaa maraya meesha waalid faraxsan oo fadalka tuuraya si uu uga garab muuqdo ilmihiisa farxada awgeed waliba waalidku wuxuu xidhanyahy dhar, dharka ugu fiican oof caleek waa la sacabo tumayaaa dumarkuna mashxarad ayay gaw kaga siinayaan ,woow cameradaha meesha yaacaya tiro maleh TV iyo saxaafada way hadal daysay meesha quruxda ka muuqata iyo sida loo sharaxay kaalay arag indhahaaba ku doogsada , waxaa la sugaaba wa madaxwaynii iyo wasiiradiisii talaw maxay wadan ? marqudhaa la yidhi wa madaxwaynihii ! sacab ayaa is qabsaday wuuba iska muraaqooday anigu maan garan waxa loogu sacabiyee ! sacabaaba lagu fadhiisiye maxaa indho faraxsan halkaa soo fadhiya ilaahay amarkii , maxaa arday mustaqbal ifaya sugaya soo eegaya maxaad arday shaqadoon indho farxada leh ku eegaya ,
wa la khudbeeyay madaxwaynuhuna waa hadlay “wan idiinku hambalyaynaya sided u soo qalin jabiseen dalkiinad wax u barateen halkaa ka sii wada Ha niyad jabina DALKIINA NIMCAA FADHIDA “Yaab ii wad sheekada wasiiradu kadaalik sida madaxwaynaha ayay afmadhan meesha la yimadeen
Lakala dareer oo rucub rucub iyo koox koox meesha looga bax siilanyana isagoo la ilaalinayo meesha laga saar arday kastaana ka bax meesha isagoo warqadii uu ku shaqo tagaayay haysta
waa kaa suuqi shaqada u baxay :
Maalin labaaadi qalin jabinta waxaa banaanatay wakhtigii jaamacada waakaa fakaray ardaygii lagu soo tabcaayay shaqo uu doonto mahayo , cid meel gaysa ma hayo isaga aqoontiisa waxa ka horeeya ina suldan iyo ina caaqil qabyaalada lagu keenay aya ka horaysa ala yaaaaaab badanaa waliba amakaagsanaa ha socota,waa kaa meel uu u dhaqaaao waayay ee magaaladii so eegtay waa kaaa magaaladu isku soo tilmaamtay ee la isku sheeegay e la yidhi ninki jaamacada ka baxay maqaaaxi hebla ayuunbuu fadhiyaa Alaa qadhaadha SHAQO laantu !
Haa wali rajo ayuu leeyahay waa kaa shaqo doontay wasaaradihi ayuu ku kalahay CV ayuu gaystay waa laga qabtayba midbaa dhagta ugu yara sheegay markuu soo baxayay Horta ma suldaan ayaa ka so horeeyay la isma shaqaysiiyo ilaa cidi kaa so horaysee ….maya walaal cidi igamay so horayn ayuu uugu jaawaby inankii aya ku yidhi war ani mid suldaana ayaa meesh ii baneeyay ee haku habsaamin !
Waa kaa magaaladi Indho murugo leh ku eegay ee ku fiiriyay waa soo toosa dee ma cadceeda dhacaysa iyo ta soo baxaysaa shaqo u noqon kaga daranta wuuba ku busaaradooday ninkii dhamaa ee jaamacada dhameeyay koobka shaaha ah ii shub ayuuba bilaabay cajab !
Maxaad sugasaa sawkaaa jidkii rajada maray sawkii safarka dheer u diyar garoobay sawkii socday ee socdaalay sawkaaa habartaa haku tabato yidhi sawkaa wax isku geegeeyay ee ilaa ADDIS ku jeexay sawtaa muxawil inta lagu qaaday ilaa suudan tagay markuuu halkaa maray ayaa iigu danbaysay .
Shaqo la,aanta taagan xukumaada umada lacagta ku dulcunaysa e waliba taajirtay ayaa ka masuula madaxwaynaha Somaliland siilanyo aya maalinta qiyaaamaha la waydiinaya umada lacagteedii xageed gatsay iyo intuu cago ku qaaato talaw maxa ku jawaabi !!!
Waan idiin hambalyanyaa waxaa dhaanta adoo yidhaa madaxwayne 100 arday ayaan shaqasiinaya ee caqli hala keeeno siyaasad cad hala dajiyo oo hala habeeyo hadii kale mudaharaad salmi ayaanu dhigi
Madaxwayne adaa dalka hogaamiya oo horseeda ee ardayda shaqo la,aaantu hayso adaa ka masuula ee shaqo geee oo shaqo abuur sameee hadii kale way kaa tahriibi ka dibna Somaliland ma lagu noola ayad odhani !
Mukhtar bukhaari
Barta arimaha bulshada
Jamacada admas