Soo eeg, si aad u ogaato! W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagocadde)

Maxamed F. Xasan1. Soo eeg siiradii rasuulka (scw), si aad wax uga ogaato sifaadkiisii wanaagsanaa, waxaad ka dheeraan doontaa iimaan la’aanta iyo aduunyo jacaylka, waxaad ka dhaxli doontaa hab dhaqanka nolosha iyo waajibaadka saaran qofka muslinka ah.

2. Soo eeg xaramka, noloshaada hal mar ama sanadkasta hal mar, si aad iskaga soo baabiiso danbi wixii aad gashay, waxa aad ka dheeraan doontaa xumaan dambe, waxaad ka dhaxli doontaa taqwad iyo Alle ka cabsi.

3. Soo eeg, xabaalaha todobaad kasta hal mar si aad u ogaato noloshu waxa ay tahay, waxaad ka dheeraan doontaa macaasida, waxa aad ka dhaxli doontaa camal iyo cibaado suuban iyo quluubtaada oo qoyda.

4. Soo eeg cisbitaalada bil kasta hal mar, si aad u ogaato waxa uu caafimaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa dayacaada wakhtiga aad caafimaad qabto, waxa aad ka dhaxli doontaa karti iyo firfircooni dheeraad ah iyo inaad ka faa’iidaysato wakhtiga aad caafimaad qabto.

5. Soo eeg hal mar oo ka mid ah nolashaada jeelka ama xabsiga si aad u ogaato qiimaha xoriyada, waxa aad ka dheeraan doontaa ku dhiirashada dunuubta ka dhanka ah dadka kale, waxa aad ka dhaxli doontaa edaab iyo adeec.

6. Soo eeg maktabadaha iyo xarumaha kaydka aqoonta, si aad u ogaato qiimaha erayga qoran, waxa aad ka dheeraan doontaa wax lagaaga sheekeeyo, waxa aad ka dhaxli doontaa cilmi iyo aqoon korodhsi.

7. Tijaabi nolosha guurka xalaasha ah, si aad u ogaato raxmada iyo naxariista uu Illaahay Quraanka inoogu sheegay ee nolosha lamaanaha, waxa aad ka dheeraan doontaa sinada, waxa aad ka dhaxli doontaa ubad iyo arsaaq waasac ah.

8. Soo eeg iskuulada iyo madarasadaha si aad u ogaato qiimaha waxbarashada u leedahay bulshada, waxa aad ka dheeraan doontaa jahliga, waxa aad ka dhaxli doontaa fahan iyo mustaqbal fiican.

9. Soo eeg macalimiinta iyo goobaha ciyaalka wax loogu dhigo maalin kasta hal mar si aad u ogaato waxa uu dul qaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa dabeecad xumaanta, waxa aad ka dhaxli doontaa khibrad iyo dad kala duwan la dhaqanka ama la noolaanshaha.

10. Soo eeg goobaha ka baxsan magaalooyinka (miyiga) si aad u ogaato halkii aynu ka nimid waxa aad ka dheeraan doontaa ka maagida iyo in aad ka faanto hidahaagii soo jireenka ahaa, waxa aad ka dhaxli doontaa hal-adayg iyo ku hirasho milgahii dhaqankeena iyo dhab ahaan waxa ay ku tiirsan tahay nolosheenu.

Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde

Arday, Kulliyada sharciga jaamacada hargeysa, iyo Kuliyadda maamulka iyo horumarinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda (CSI).

Xubin ka tirsan Bahda Hal-abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)

Email: Mdhagocade@gmail.com

ama xiinfiniin_10@hotmail.com

ama booqo Mareegta: Www.bar-qoraal.blogspot.com

Tell: 063-4470220