Soo-dhaweyta Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo Si Weyn looga Dareemayo Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa Caawa ka socda damaashaadyo ay shacabka caasimaddu ka dhigayaan faras-magaalaha iyo jidadka kala duwan.

Shacabka Hargeysa waxa ay damaashaadka u samaynayaan soo-dhaweynta weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo labadii todobaad ee u dambeeyey safar shaqo ugu maqan dalka Maraykanka, kuwaas oo la filayo inay Dalka dib ugu soo laabtaan gaadhaan Sabtida Berri.

Dadweyne tiro badan oo ku gaashaan Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jidadka caasimadda isugu baxay, iyagoo qaarkood lugahooda maalaya halka kuwo kalena ay gaadiidka iyo sameecado waaweyn oo ay ka dhegaysanayaan Heeso Waddani ah.

Damaashaadka ay shacabka Hargeysa ugu sii dabbaal-degayaan soo-dhaweynta Weftiga Madaxweynaha, ayaa dadka qaarkood oo la weydiiyey ku tilmaameen mid ka tarjumaya guulo-dublomaasi oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gaadhay safarkiisa dalka Maraykanka.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay guul baad u soo hoysay Somaliland, wax-qabad weynna qaranka waad u soo kordhisay mar hadduu maanta Maraykan garawsaday qadiyadda madax-bannaanida Somaliland. Runtii waanu kugu bogaadinaynaa adigiyo wasiiradaadu guusha aad ka keenteen Maraykanka,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha damaashaadka isugu baxay Hargeysa Caawa.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Marayka. Waxa uu Kulmo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka oo ka kooban Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu khudbado uu kaga hadlay Qadiyadda madax-bannaanida iyo horumarka dhinacyada Dimuqraadiyadda iyo Dhaqaalaha Somaliland ka jeediyey Fagaareyaasha lagu falan-qeeyo siyaasadda Arrimaha ee Maraykanka, gaar ahaan Heritage Foundation iyo Macadka Daraasaadka Afrika ee Jaamacadda George Washington ee Caasimadda Dalkaas.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka, ayaa sababay in Labada Aqal-baarlamaan ee Maraykan la hor-keenno mooshinno lagu taageerayo Qadiyadda Somaliland iyo kor-u-qaadista Xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga Golihiisa Wasiirrada ee uu hoggaaminayo oo dalka ka dhoofay 12kii bishan March 2022, ayaa la filayaa inay dalka soo gaadhaan Sabtida Berri oo taariikhdu ku beegan tahay 26ka March 2022.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net