SONYO Oo Maanta Hadhimo Sharafeed Usameeyay Isduwaha GarGaarka Bani Aadmnimo Ee Hay’adda UNICEF.max,ed cali Bile

Hargeysa (SLPOST)- Masuuliyiinta Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa Hadhimo Sharafeed Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ugu Sameeyey Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Aqoonyahanka reer Somaliland,

Mohamed Ali Bile

kana mid ah Saraakiisha ugu sar sarraysa Hay’adda UNICEF, dhawaanna loo magacaabay Isu Duwaha Deeqaha Gargaarka Bani Aadamnimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Yemen, kaasi oo fasax kooban ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibaddan Qado-sharafta ee shalay lagu maamuusay Aqoonyahan Maxamed Bile waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Agaasimaha

5(27)

SONSAF Md. Maxamed Barawaani,  La Taliyaha Xagga Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame, saraakiil ka kala socday Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah iyo Marti sharaf kale.

Ugu Horrayn Munaasibaddan Qado shafarta ee SONYO ku Maamuustay Aqoonyahan Maxamed Cali Bile waxa hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyaan Maxamed Cali Bile oo ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ahaana raggii seeska u dhigay Xafiiska UNICEF ee Somaliland kaasi oo imika meeqaam sare ka gaadhay Hay’adda uu ka tirsan yahay iyo guud ahaan Qaramada Midoobay in muddo ahna Madax ka soo ahaa Xafiisyada UNICEF ee dalalka Jordan, Ciraaq iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha SONYO waxa uu guud mar ku sameeyey sooyaalka hawleed ee Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka mid ahaa saraakiishii Hay’adda UNICEF ee sida weyn uga soo shaqeeyey sees u dhigiddii Arrimaha Waxbarashada Somaliland isaga oo dalka ka hawl galayey sannadihii 1991 illaa 2001 oo ah sannadihii Somaliland ka soo doogtay burburkii dalka ku yimid ee ay dhismaysay, wakhtigaasi oo Maxamed Cali Bile si weyn uga qayb qaatay arrimaha Bani Aadamnimo ee Somaliland ka hor intii aan loo wareejin xafiisyada heer Caalami ee Hay’adda UNICEF. Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uu xusay in ujeedada ay ka leeyihiin casuumaddan ay u fidiyeen Maxamed Cali Bile tahay sidii ay wax uga korodhsan lahaayeen isna ugu dhiirri gelin lahaayeen in uu dhallinyarada dalka ku dhiirri geliyo Aqoontiisa iyo waayo aragnimada uu ka kasbaday Boosaska sare ee shaqo ee uu ka qabtay Qaramada Midoobay.

4(28)

Md. Axmed Abokor Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Hay’adda Save The Children ee Somaliland ayaa isna Aqoonyahan Maxamed Cali Bile waxa uu ku ammaanay sida qiimaha leh ee uu muddooyinkan dambe ugu soo xidhmay xaaladda dalka gaar ahaan dhallinyarada ee uu mareegaha xidhiidhka dadweynaha kaga warramo arrimo badan oo la xidhiidha sidii dalkeenu ku horumari lahaa ee looga faa’iidaysan lagaa loona jihayn lahaa tamarta ku duuggan kumanaanka dhallinyaro ah ee sannad walba ka qalin jabinaya jaamacadaha dalka.

 

Dhinaca kale waxa isna madashaasi hadalo kooban oo guubaabo ah ka soo jeediyey Agaasimaha Fulinta Hay’adda SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani, isaga oo dhallinyarada reer Somaliland ku dardaaray in ay ku daydaan Maxamed Cali Bile iyo ragga kale ee reer Somaliland ka mid ah ee shaqooyinka sare ka qabtay Qaramada Midoobay isaga oo ku booriyey in ay meel sare hiigsadaan si aynu dalkeena wax badan ugu qabano.

 

Intaa kadib waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Cali Bile oo ahaa masuulkii Hadhimo-sharafeeddan loo sameeyey oo si weyn ugu dheeraaday mahad naq ballaadhan oo uu u soo jeediyey Dhallinyarada Hormuudka u ah SONYO oo uu ku sifeeyey koox mudakar ah oo hami weyn xambaarsan kuwaasi oo ah kuwii dalkani u baahnaa. Maxamed Cali Bile waxa uu ka sheekeeyey sidii xaalka dalku ahaa mudadii u dhaxaysay 1991kii oo dalka la soo galay illaa 2001-dii oo ahayd markii uu dalka ka dhoofay isaga oo xusay marka aad maanta barbar dhigto in wax weyni dalkan u kordheen halkaana laga garan karo mustaqbalka dalkani leeyahay oo uu ku tilmaamay mid ifaya inkasta oo uu walaac ka muujiyey dhallinyarada kumanaanka ah ee sannad walba iska soo daba baxaya ee qalin jabinaya kuwaas oo uu ku tilmaamay haddii la jihayn waayo oo siyaasad cad loo dhigi waayo in ay dalka halis ku noqon karaan.

 

“Waxaan idinku dhiirri gelinayaa in aad dalka siyaasaddiisa door weyn ku lahaataan oo aad si toos ah iyo si dadbanba uga mid noqotaan goobaha talada dalka lagu hayo. 10 sano kadib dadka maanta dalkeena u talinayaa way tagayaan waxaana loo baahan yahay in aad noqotaan kuwii badali lahaa ee qormo doog leh dadkan iyo umaddan u sahamin lahaa lana jaan qaadi lahaa aqoonta iyo hannaanka dunida casriga ah loo hogaamiyo” ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, isaga oo dhallinyarada ku dardaaray in ay hammigooda laban laabaan oo ay si weyn u fikiraan oo aanay saamayn ku yeelan siyaasadaha iyo doodda meesha hoose ee dalkeena maanta taalla.

 

Haddii ay meel sare hiigsan waayaana aanay waxba soo kordhin doonin. Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Daxlxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ku dheeraaday dardaaran ballaadhan oo uu u fidiyey dhallinyarada reer Somaliland oo uu ku sheegay in maanta dalkeena ay taallo fursad aynu wax ku badali doono loona baahan yahay in aynu is dhiirri gelino oo aynaan isla hadhin. Keena wax noqdana is barbar taagno kana korno waxyaabaha badan ee dalkeena dib u dhaca ku keenaya sida qabyaaladda. Agaasime Dhabeeye waxa uu Maxamed Cali Bile ku tilmaamay shakhsi wax weyn ku soo kordhin kara dalka horena uga soo shaqeeyey oo wax badan u soo qabtay.  

Somaliland.Net

Hargeysa/Somaliland