SONYO Oo Culimada Hargeysa Kala Hadashay Qaabka Ugu Haboon Ee loo Joojin Karo Tahriibta Dhalinyarada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa kulan wada-tashi iyo baraarujin ah la yeelatey in ka badan 100-xubnood oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa gaar ahaan Iimaamyada masaajidada ee iyagu jeediya Khudbadaha Jimcaha ee culimadu dadka kula hadasho, waxaana kulankaas si wada jir ah u soo agaasimey Dallada SONYO, Culimada Wanaag-farista, Wasaaradda Diinta iyo Guddi Dhallinyaro oo iyagu iskood isku xil-qaamey.

Waxaaan kulankaas ku sugnaa xubno ka tirsan hoggaanka iyo hawl-wadeenada dallada SONYO, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha Dallada SONYO, Mubaarik Ismaaciil Taani, Xubin ka tirsan Golaha Sare ee SONYO, Khadar Nuur aw Cabdi iyo Agaasimaha Dallada SONYO, Siciid Maxamed Axmed oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan hawl-wadeenada fulinta ee xafiiska SONYO. Waxaa iyaguna halkaas ku sugnaa xubno dhallinyaro ah oo iyagu iskood isu-xilqaamay lana baxay ‘Guddida Dhallinyaradda Ka-hortagga Tahriibka’.

Sonyo LogoSidoo kale waxa kulankaas ka soo qaybgalay Culimada waawayn ee dalka, kuwaas oo ay horkacayeen Iimaamyada masaajidada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale, waxaa halkaas ku sugnaa Guddida Culimada “Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista”.

Sidoo kale waxaa madashaas laga soo jeediyey hadalo warbixino iyo dardaaran isugu dhafnaa, kuwaas oo runtii xambaarsanaa dareeno qiiro lahaa oo ka tarjumayay sida ay xubnihii shirka yimid uga xumaayeen aafada naxdinta iyo dhiilada leh ee Dhuunyaalka ama tahriibka.

Falanqayn dheer iyo dood furneyd ka dib, waxaa ay Dallada SONYO usoo jeedisey kana codsatey Culimadii Shirka joogtey, gaar ahaan laba qoddob oo kala ahaa:-

•  In Culimadu ay farriimo waxyi-galineed oo xoogan ka gudbiyaan Masaajidada magaalada isla markaana ay khudbadaha jimcayaasha ku tiraabaan khatarta, saameynta taban iyo dambiga ku ladhan falalka bani-aadinimada ka baxsan ee tahriibinta ubadka yar yar iyo dhallinyaradda JSL oo iyagu ah rajada dalkani ka dhul-sugayo.

•  In ay Culimadu ay isugu yimaadaan Kulan iyo Wada-tashi ku aadan sidii mawqif cad (Fatwah) looga qaadan lahaa falalka la xidhiidha aafadan Tahriibka, isla markaana ay Culimadu caddeeyaan mawqifka diinta Islaamku ka qabto fal-dambiyeedkan hooga huwan.

SOMALILANDPOST.NET