Somaliya Oo Uu U Furmay Shir Ay Kaga Tashanayaan Nooca Doorasho Ee ay Qabsan Karaan

 

Muqdisho(SLpost)-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabogabeeyay shirka wadatashiga nooca doorasha ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka soo socdo.

150919151741_somalia_mogadishu_conference_512x288_bbc_nocredit

Shirkan waxaa ka qaybgalay wafdi uu hor kacayo Madaxwaynaha Soomaaliya oo heer Faderaal ah, madaxda maamul goboleedyada hadda jira iyo beesha caalamka.

Waxyaabaha ka soo baxay waxaa ugu muhiimsanaa in la isku afgartay in uu furanyahay wadatashiga ku aadan halka loo socdo marka uu dhamaado wakhtiga dawladda hadda jirta.

Dawladda ayaa hore meesha uga saartay suurtagalniamda qabsoomida doorashada hal qof iyo cod.