Somaliya Oo Shirkada  Spectrum Heshiis Kula Gashay Sahaminta Shidaalka Bada

Somaliya(SLpost)-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dawladda Soomaaliya, ayaa maanta heshiis ku salaysan sahanka shidaalka ee badda Soomaaliya kula gashay shirkad la yiraahdo Spectrum magaalada Muqdisho.

Munaasabad weyn oo lagu saxiixayay heshiiskaasi ayaa waxa ka qaybgalay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo ka qaybgalay xafladda saxiixa heshiiskaasi ayaa waraystay

hadaba waxanau halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi ay BBC-du la yeelatay wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamad Mukhtaar Ibraahim kaas oo uu kaga warmay heshiiskaas iyo deegaanada uu ku waajahan yahay waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Heshiiskani waa mid ay sahamin ku samaynayso shirkada Spectrum dhul uu baaxadiisu yahay 28000Km oo inta badan ah dhulkii ay Shell heshiiska ku ahayd,dhulkaas oo ku teedsan xeebta Somaliya ayay ku samaynaysaa baadhis, waxaanu rajaynaynaa in uu dhulkaas ku jiro khayraad badan, markaas si aanu tuhunkaas aanu ugu badalno macluumaad dhab ah ayay samaynaysaa sahan, sahanku marka uu dhamaado macluumaadku waxa uu ku soo wareegayaa dawlada Somaliya qarashka waxa bixinaysa Spectrum.”

wasiirka oo sii hadlaayay waxa uu yidhi“Shirkada Shell waxay haysataa dhul iyadaana ka raali ah shirkadan markaas cid kasta oo doonaysa inay ka faa’idaysato khayraadka Somaliya ayay shirkadani u sheegi doontaa macluumaadka ku jira oo ay idhanaysaa shidaal noocaas ah ayaa ku jira oo kale. heshiiskii Shell ee dawladii ugu danbaysay ay la gashay sideetamaadkii waa sidiisii oo waxba iska badali maayaan.waxa uu dhulkaasi ka bilawdaa Garacad waxaanu ku dhamaadaa Raaskanboni.”