Somaliya Oo loo Tabobaray Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Kamaandooska

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xidhey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

87F6DE6A-5A0B-43C8-B2A2-49F53BBA4B73_w640_r1_s

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, islamarkaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu qeyb ka yahay mashaariicda kala duwan ee dalkaasi ku taageerayo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ciidamadan oo gaadhayey illaa 300 ugu hambalyeeyey “Sida wanaagsan ee aad u dhameysateen tababarkan casriga ah”. Waxa uu ciidamada u sheegay in looga fadhiyo “Inay door lixaad leh ka qaataan cidhibtirka argagixisada Al-Shabaab ee ku xidhan Al Qaacida”.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay dowladda, shacabka iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, oo tababarkan maal-geliyey.