SOMALIWEYN IN LAGA RAYSTO MOOYIYE, WAX LOO WAAYAAYAA MA JIRO – “Sanad Guure Hooda leh” – W/Q: Maxamed Cali Muuse

Maxamed Cali MuuseDadweynaha Somaliland ee xog ogaalka u ah tarriikhda Somaliland waxay maanta ku qanacsanyihiin mowqifka Xukuumada Somaliland iska taagtay qadiyada Somalia. Indheer garadka, siyaasiyinta, iyo bulshwaynta Somaliland waxay ka walwal qabeen in mar labaad Somaliland la afuubo oo dabka ka hulcaaya Konforta Somalia lagu dhex tuuro. Dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay ee Xukuumada Somaliland lagu maslaxaayey wadajirka Somalia ayaa ugu walwal badnaa.

Madaxwaynaha oo ka mid ah dadkii u soo halgamay gobanimada Somaliland kana soo sheqeeyey xukuumadihii Hore ee Somalia ayaa liqi kariwaayey beer laxowsiga dowladaha shisheeye iyo beenta la rabay in lagu soo xereeyo Somaliland.  Waxa la ogsoon yahay in intii ka xorowday dowlada talyaaniga ay nabad iyo degenaasho ka dheer tahay.  Waxa kale oo la ogaaday in aan MAANTA ka fiicanahay SHALAY.  Dadka Wadanka degeni horowmarka Somaliland gaadhay ma arkaan. Waxay arki lahaayeen hadii filim lagu tuso.  Bulsho iyo dhulba waxa laga dareemaaya horowmar. Dadka reer Somaliland iyaga oo adeegsanaaya maskaxdooda iyo muruqooda oo an haysan kaalmo dhaqaale oo buuran oo dowladeed ayay ku guulaysteen in ay dowlad diimoqraadi ah oo dhamaystiran ay samaysteen. Aduunka wax dhamystirani uu yar yahay oo xukunka Somaliland ma dhamaystirna mana dheelitirna waase la sixi karaa, laakin waxa hobaal ah in ay Somaliland maanta ka fiicantahay waqti kasta oo soo maray.

Bishan May 18keedo waa maalin wayn oo mudan in loo dalbaadego waayo waxay ka waxay ka jawaabaysaa taariikh madow iyo beenta laga aloosaayo Konforta Somalia. Waxay  markhaati u tahay horowmarka, nabada, iyo xoriyada la haysto. Waxay da’yarta tusaysaa taariikhda Somaliland iyo halganka loo soo maray gooni isu taaga Somaaliland iyo waxa ku kalifay.

Waxa kale oo xusid mudan talaabada Madaxweynaha iyo xukuumadiisu ka qaadatay dib u heshiisiiska Somalida. Dadka siyaasada indha indheeyi waxay gacan siinayaan Madaweynaha iyo inta badan ee gacan ka siisay in u go’aankan gaadho oo u danta Somaliland ka raaco dano shisheeye.

Qore: Maxamad Cali Muuse ( Ameerikada Waqooyi )