Somaliland:Suudaani Hargeysa ku Dhibaataysan oo Codsi u diray Xukuumadda

Hargeysa(SLpost)-Daariq Xasan Sarkiye waa nin u dhashay dalka Suudaan,kana shaqayn jiray shirkada macmaanka samaysa oo ku taalla magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

22

 

37-jirkan Suudaaniga ah ayaa dalkiisii uga yimid inuu shaqo ka helo dalka Somaliland balse waxa uu sheegay inuu dhibaato kala kulmay shaqadii uu ka helay loona diiday xaqii uu lahaa mudadii uu shaqaynayay.

Somaliland waxa aan u imid shaqo. Bilawgii hore waxa aan ka shaqo galay shirkad macmacaanka iibisa oo Deero Mall ka tirsan. Khadar Shariif ayaannu wada shaqaynaynayayuu yidhi Daariq .

Daariq Xasan Sakariye,waxa uu sheegay inuu muddo la shaqaynayay shirkadan macmaanka samaysana,waxaanu ka hadlayaa sababta shaqada looga eryay.

Aniga oo meherada ka shaqaynaya waxa dalka masar u safray mid ka mid ah shaqaalihii shirkada,Ninkii wuu soo noqon waayay oo ammaanadii ayuu khiyaameeyay, ilaa haddana la ma hayo, shaqadii waa la iga eryay iyada oo aan la I siinin wixii aan xaq ugu lahaa

Mr Daariq waxa uu sheegay inaanu hadda haysan meel uu u hoydo,iyadoo dharkii laga xaday,kadib markii laga soo saaray Hotel-kii uu seexan jiray markii uu iska bixin kari waayay kiraddii Hotel-ka.

Hudheel baan deggenaa, laba doollar ayaan habeenkii bixin jiray. Habeen aan soo helo iyo habeen aan soo waayo ayay ahayd, habeennada qaarkoodna macaariifta ayaa iga bixin jirtay”ayuu yidhi Daariq Xasan Sakariye.

Wiilkan dhallinyarada ah ee ka soo jeeda dalka Suudaan,waxa hadda u hoy ah gidaaradda,isagoo xukuumadda Somaliland iyo hay’daha xuquuqal iinsaanka ka codsaday sidii dalkiisii loogu celin lahaa.

Daariq ayaa kadib markii xukuumadda Somaliland go’aanka ka soo saartay dadka ajanabiga ah cabsi wayni soo foodsaartay,waxaanay qaar ka mid ah shaqaalaha dhismaha Deero-mall sheegeen inay ka baqe-qabaan inuu iska soo tuuro fooq-yada isla markaana ka ilaaliyaan.

Xigasho Tooshnews