Xukuumadda Somaliland oo Weftigii ugu tirada badnaa u dirtay dalka Itoobiya iyo Ujeeddada Socdaalkooda

HARGEYSA (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wefti shan xubnood ka kooban oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, u dirtay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kuwaasi oo shalay gaadhay magaaladda Jig-jiga si ay wada hadallo ula soo yeeshaan dawladaas.

Weftiga Wasiirka Khaarajiga waxa  xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase).

weftigaWeftigan waxa  ka sii galbiyay magaaladda xuduudeedka Wajaalle ee gudaha Itoobiya, Wasiirka Ganacsiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre oo ka hadlay ujeedada booqashadooda magaaladda Jig-jiga, ayaa sheegay in uu la xidhiidho sidii ay uga wada hadli lahaayeen dawladda deegaanka qoddobo ku saabsan iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

“Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhaa hawlo shaqo oo  ku wajahan iskaashigii hore nooga dhaxayn jiray Somaliland iyo dawladda Kililka shanaad. Booqashadayadu waxay qaadan doontaa muddo laba maalmood ah,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay inay iska kaashadaan dhinacyadda ammaanka iyo dhaqaalahaba.

Dhinaciisana waxa weftigan soo dhaweeyay oo illaa Jig-jiga u sii galbiyay Wasiirka Ganacsiga dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yihiin safarka weftiga xukuumadda Somaliland. “Waxaanu ku faraxsan nahay inaanu dalkoodii labaad ku soo dhaweyno weftiga xukuumadda Somaliland ka socda oo uu naga dhaxeeyo  cilaaqaad wanaagsan oo dhinac walba ah.

Geesta kalena, tibaaxo aanu ka helay  ilo wareedyo  looga qaateen ah, ayaa sheegaya in wada hadallada ay Jig-jiga ku yeelanayaan weftiga Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya culayska lagu saari doono dhinaca ammaanka, gaar ahaan ciidammada Liyuu booliska deegaankaas oo gudaha u soo galay dhawaan Somaliland gaar ahaan degmadda Bali-dhig, waxa kale oo lagu wadaa in wada xaajoodkan lagu soo daro dhacdadii lagu laayay dad badan oo shicib ah deegaanka Jaamac Dubad ee degmadda Daroor.