Somaliland: Xukuumadda oo Qaylo-dhaan ka dirtay Xaalad abaareed oo ka taagan Degmada Ballicabane

Hargaysa (SLpost)- Abaaro saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba, ayaa ka jira deegaanno hoos-yimaadda Degmada Ballicabane ee gobolka Hawd, waxaana dhibaatada abaartu ku hayso dadka iyo xoolaha indhihiisa ku soo arkay Sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kormeer indho-indhayn ah ku maray deegaamadaas.

bali cabaneCali Xaaji Cabdi (Cali Yaanbo) oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay heerka abaarta iyo saamaynta ay dadka xoolo-dhaqatada ah ku yeelatay isagoo Kormeer ku soo Maray Jiido door ah oo ka Tirsan Degmadda Balli Cabane ee Gobolka Hawd.

Cali Yaanbo oo Warbaahinta Maanta u Waramay ayaa Sheegay in Jiidaha hoos taga degmadaasi ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo Saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyadda.

Waxa uu Sarkaalkani Xusay in Deegaanka Balli Cabane oo Koobsada deegaamo door ahi ay ku soo hayaameen Xoolo dhaqato tiro badan taasina ay keentay inuu idlaado daaqii iyo Biyihiiba,Waxaanu ka dayriyey in Hadii Xaaladan Wax laga qaban waayo ay saamayn togan ku yeelanayso Nolosha Bulshada Deegaankaas oo u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay.

Cali Xaaji Cabdi Waxa uu intaas ku daray in Sidoo kale Degmada Balli Cabane ay ka aradan tahay adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha bulshada Sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Wixii la hal maala taasina ay ka dhigtay degmada mid ka danbaysa degmooyinka kale ee waddanka.

Cali Yaanbo waxa uu ugu baaqay Hay’adaha dawladda ee ay arrintani Khusayso inay Xil iska saaraan Wax la qabashada Bulshadda ku dhaqan degmadda Balli Cabane.