Somaliland: Xubno Dilkooda Diyaarad loo Afduubay oo Ka Warramay Siday ku Badbaadeen & Xusuusta Maalmihii Murugada

 

Barnaamij xambaarsan murugo, dareen farxad iyo naxdinba xusuusta dad badan ku reebay koobsaday, ayaa lagu waraystay laba ka mid ahaa Arday dil toogasho ah lagu xukumay 1984-kii, kuwaas oo sidii ay ku badbaadeen iyo wixii ay la kulmeen-ba ka warramay.

Haddaba, Barnaamijka Xog-wadaag ee Gobanimo TV oo uu Soosaare ka yahay Cabdifataax Ismaac’il Mursal, ayaa toddobaadkan diiradda lagu saaray 36 sano ka hor markii toddoba Arday oo ka mid ahaa Labaataneeyo Qof oo Hargeysa laga xidhay 1984-kii, isla markaana dil toogasho ah lagu xukumay, kuwaas oo dilkooda la baajiyey, ka dib markii Diyaarad ka mid ah kuwa Shirkaddii Somali Airlines ay afduubeen Cornal Cawil Cadami Burhaani oo ka mid ahaa Ciiidammada Asluubta ee dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya, Baashe Muuse Maxamed (Diin) iyo Axmed Maxamed Aadan (Waraabe) oo labadooduba ahaa Macallimiin, taas oo ay fadhiisiyeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 122 Rakaab ah, isla markaana ay ku jireen Masuuliyiin ka tirsanaa dawladdii Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo Shaqaalihii Diyaaraddaas, ayaa markii ay Addis Ababa ka dejiyeen 24-ka bishii November 1984-kii oo ahayd maalin Sabti ah, waxay dalbadeen in la joojiyo dilka toddobada Arday lagu fulinayo isla 25-kii bishaas oo ahayd maalin ka dib afduubka, lana sii daayo iyaga iyo dad kale oo aan waxba galabsan iyo kuwo siyaasad ugu xidhnaa Xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil ee Somaliland oo wakhtigaas ka mid ahaa dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, ayaa ku guulaystay in la aqbalo shuruudda ay siiddeynta diyaaradda iyo rakaabka saaran ku xidheen, ka dib markii wadahadal 72 sacadood qaadatay ay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ku aqbashay dalabkooda, ka dibna ay sii daayeen diyaaraddaas.