Somaliland: Xogo laga helay Budhcad Ajaanib ah oo lagu qabtay Lacago Been-abuur ah

Nigerian Criminals arrest in Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland oo kaashanaya Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Arbacadii shalay gacanta ku dhigay Lix qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen sameynta lacago been-abuur ah.

Eedaysaneyaasha oo dhammaantood ajaanib ah, ayaa isugu jira Shan Qof oo u dhashay dalka Nigeria iyo Qof Soomaali ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, waxaana lagu qabtay agab kala duwan oo ay u isticmaalayeen samaynta lacagaha been-abuurka ah.

Nigerian Criminals arrest in SomalilandTaliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Caalin oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay raggani si qorsoodi ah ku soo galeen Somaliland isla markaana ay isticmaalayaan aqoonsiyo been-abuur ah oo lagu qabtay.

“Ciidamada socdaalka oo kaalmo ka helaya Booliska iyo Bangiga Somaliland, waxa qabteen ragga ajaanibka ah oo sitay waraaqaha lacagaha laga sameeyo, kiimikooyin, mishiinno waraaqaha lagu jar-jaro, kuwa wax lagu calaamadiyo, Daawooyinka iyo qalab kale,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Maxamed Caalin.

Taliyaha waxa uu xaqiijiyey inay Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen telefoonno gacanta ah oo ay isticmaalayeen Kooxda Ajaanibka ah, waraaqo Aqoonsi la been-abuuray oo sheegaya inay ka tirsan yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo sidoo kale lacago been-abuur ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa sheegay in raggan Ajaanibka ahi ay qayb ka yihiin shabakad budhcad ah oo qorshahoodu yahay inay dhaawac u geystaan dhaqaalaha dalka.

“Waxay haysteen dhammaan kiimikooyinkii loo baahnaa iyo waraaqihii laga samaynayey lacagaha been-abuurka ah, waxayna doonayeen inay lacag badan suuqa geliyaan, laakiin waanu fashilinay qorshahoodii. Waxaan xaqiijinayaa inaanay nimankan u suurto-galin inay lacag been abuur ah soo geliyaan suuqayada dalka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Ibrahim Jaamac.

Dhacdadan ayaa noqonaysa markii u horeysay ee Ciidammada Ammaanka Somaliland gacanta ku dhigaan Koox Ajaanib ah qaab sidan oo kale u diyaarsan uga hawl-gala gudaha Somaliland si ay suuqyada dalka u galiyeen lacago been-abuur ah si waxyeello loogu geystay Dhaqaalaha Dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net