Somaliland: Xildhibaan Saddex Toddobaad ka tirsanaa Golaha Guurtida oo Is-casilay

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigii golaha eemaanta u gudbiyey is-casilaaddiisa, waxaanay mudaneyaashu cod gacan-taag ah kaga aqbaleen iscisilaadda xildhibaanka.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaadda mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo muddo 30 maalmood ka yar ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland.

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa 10-kii June 2021 xildhibaanimada Golaha Guurtida u dhaarisay Md Cabdirashiid Xaashi Cabdi kaddib markii uu geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo walaalkii ahaa.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa fadhigooda maanta cod gacan taag ah kaga aqbalay iscasilaad uu golaha u soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi.

Fadhigan maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, waxa golaha ku sugnaa 47 xildhibaan, waxaanu guddoomiyuhu golaha u gudbiyey in cod gacan-taag ah lagu ansixiyo iscasilaadda xildhibaanku u soo gudbiyey.

Cod gacan-taag kaddib, 44 mudane, ayaa oggolaaday codsiga iscasilaadda ah ee xildhibaanka, waxa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane.

Xildhibaanka ayaa noqonaya markii u horeysay ee Goleyaasha Sharci-dejinta dalka uu is-casilo mudane wakhti kooban ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net