“Somaliland waxay amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada” – Xisbiga Waddani

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo ay xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland magaalada Nairobi kula yeesheen wakiillo ka tirsan waddamada beesha caalamka ee taageera nidaamka doorashooyinka ee dalka.

Wefti ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha labada Xisbi mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa dorraad ka soo laabtay socdaal ay toddobaadkii hore ugu kicitimeen dalka Kenya, halkaas ay kulamo kula soo qaateen waddamada Beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta saxaafadda uga waramay natiijada kulamada dhexmaray madaxda xisbiyada mucaaradka iyo beesha caalamka, ayaa sheegay inay Somaliland magac iyo qaddarin dheeraad ah ka heshay qabsoomidda doorashooyinkii isku-sidkanaa ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo dalka ka qabsoomay bishii May sannadkan 2021-ka.

Xoghaye Khadar waxa uu sheegay in beesha Caalamku xisbiyada mucaaradka u caddeeyeen inay diyaar u yihiin sidii ay Somaliland u kala shaqayn lahaayeen qabsoomidda doorashada madaxtooyada.

“Kulamadii dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka aanu kula yeelanay Nairobi waxa aanu kala kulanay qaabilaad wanaagsan. Waddamada Beesha Caalamka ee Maraykanku ugu horeeyo waxay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Somaliland oo dhanka doorashooyinka iyo maalgalintaba kala shaqeeyaan, waxaanay Somaliland amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada,” sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Xoghayaha Waddani

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net