Somaliland: Wasiirka Kalluumaysiga oo Socdaal ku Maraya Xeebaha Saaxil iyo Sanaag

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Faarax,agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan,Xubno ka Tirsan Agaasime waaxeedyo kale ayaa kormeer hawleed waxay ku marayaan Deegaamada Xeebaha bari ee Gobolada Saaxil iyo Sanaag.

Ujeedada Socdaalka Weftiga Wasiirka Kalluumaysiga ayaa salka ku haysa u kuurgalida xaalada kalluumaysatada deegaanada Xeebta iyo weliba sidii ay ugu qaybin lahaayeen agab kaluumaysi oo wax badan ka tari doona sidii ay Iskaashatooyinka Kalluumaysatadu si fududu ugu soo Jilaaban lahaayeen Kalluunka.

wasiirka-cusub-ee-kalluumaysiga1

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Faarax iyo Xubnaha kale ee Safarkan ku wehelinayaa Waxay warbixino ka dhagaysteen Ciidanka Difaaca iyo ilaalada Xeebaha, Waxaa kale oo ay Kulamo la qaateen duqayda iyo Waxgaradka ku dhaqan Jiidaha ay Socdaalka ku mareen iyagoo u soo bandhigay sidii ay wasaaradu gacan uga siin lahayd inay deegamada Xeebaha u keenta qalabka baraf dhaliyaha oo baahi weyn ay u qabaan.

Mas’uuliyiinta wasaarada Kalluumaysiga ayaa dhankooda ka balanqaaday in wax kasta oo awoodooda ah Wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba ay Gacan Muuqata ka gaysan doonaan baahiyaha bulshada.

Somalilandpost.net

Hargaysa