Somaliland: Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Eedihii ugu Cuslaa u jeediyey Dowladaha Hoose ee Dalka oo Ta Hargeysa u horeyso

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa si adag u duray Dowladaha hoose ee dalka oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen masuuliyaddii ay bulshada u hayeen, isagoo xusay inaanay iska xil-saaran hawlaha gaar ah ee ay u qaabilsan yihiin magaalooyinka loo doortay inay hoggaamiyaan.

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay Qashinka Buux-dhaafiyey faras-magaalada caasimadda Hargeysa xilliyada roobka iyo Burburka Jidadka, waxaanu dowladda Hoose ee Hargeysa ku eedeeyey inaanay ka soo bixin masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta Nadaafadda iyo Saxada caasimadda oo ah muraayaddii laga dheehanayey dalka.

 

 

Wasiirku waxa uu Dowladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay kor u qaaddo bilicda caasimadda isla markaana masuuliyad iska saarto hawsha loo igmaday. Sidoo kale, waxa uu bulshada ugu baaqay inay dhinacooda kala shaqeeyaan isla markaana ku garab-istaagaan hawsha dowladaha hoose u hayaan.

 

Faahfaahinta warkan kaga bogo Muuqaalkan