Somaliland: Wasiir iyo Agaasime Dagaal Gacan-ka-hadal ah Isku Faro-saaray iyo Ubucda Khilaafka Jira

 

Hargeysa (SLpost)- Dagaal Gacan-ka-hadal ah oo aan wax khasaare ah midkoona ka soo gaadhin, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Suleymaan Yuusuf Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Mukhtaar Maxamed Cali.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu ka helnay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, ayaa dagaalka gacan-ka-hadalka ahi ku dhexmaray Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaana la sheegay inay markii dambe kala dhex-galeen oo kala qabteen Askarta Ilaallada ka ah wasaaradda.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa Ismaan-dhaafka gacan-ka-hadalka gaadhay ee dhexmaray labada masuul, haseyeeshee, waxa muddooyinkii u dambeeyey khilaaf dhinaca maamulka ahi u dhexeeyey labada masuul tan iyo markii Wasiirka Wasaaraddaas loo soo beddelay Mudane Suleymaan Yuusuf Cali Koore horaantii bishii December 2019-kii oo wasiirku markii uu xilka la wareegay amarro cusub oo uu soo saaray uu ku xayiray awoodo dhowr ah oo Agaasimaha Guud ku waday hawl-qabadka iyo shaqada Wasaaradda, taas oo sababtay inuu Wasiir Koore joojiyo ama Hakiyo Saxeexa Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland, ayaa lagu tilmaamaa wasaaradda ugu khilaafka iyo xasaradda badan hay’adaha dowliga ah ee Somaliland, iyadoo masuuliyiintii hore ee soo martay wasaaraddaas laga soo bilaabo xilligii uu talada dalka la wareegay xisbiga Kulmiye sannadkii 2010-kii ilaa wakhti xaadirkan ay wasaaraddu ku suntanaatay isla markaana ay barriinsatay khilaaf ay bud-dhig u yihiin Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha wasaaraddaas, taas oo sababtay inay wasaaraddaasi ka mid noqoto wasaaradaha dalka ee masuuliyiinta ugu tirada badan soo mareen.

“Intii aan wasaaraddaas joogay oo 20 sanno ku dhow xasarad iyo khilaaf kama baxno oo waxaad arkaysay laba masuul oo is-haysta ama shaqaale iyo masuul is-haysta. Waxaas oo dhib ah waxaanu ka raysannay laba sanno oo uu nala joogay wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo horena u soo maray maareeyaha Tv-ga qaranka,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo sababo badan awgood uga cudur-daartay in magaciisa la xuso.

Maxamed Muuse Diiriye oo hadda ah wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, ayaa xilka Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyey wasiirka Saleebaan Cali Koore 8-dii bishii December 2019-kii, xilligaas oo isaguna xilka kala wareegay wasiir Koore oo xilka Wasaaradda Biyaha hayey tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay xukuumaddiisii u horeysay horaantii sannadkii 2018-kii.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net