Somaliland: Wasaaraddo Wada Jir u qabanaya Shir Ku saabsan Qorshe dhaqaale abuur ah

Hargaysa (SLpost) Xukuumada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay qabanayso shir balaadhan oo heer qaran, kaasi oo lagaga arrinsanayo shaqo abuurka gaar ahaana sidii dhalinyarada shaqooyin loogu samayn lahaa.

Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saartay wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad).
War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in si wax looga qabto shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ay dawladu qaadayso talaabo deg deg ah, taasi oo looga danleeyahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, isla markaana dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Warsaxaafadeed:Inkasta oo dhaqaalaha dalku si tartiib-tartiiba ah u sii kobcaayay labaatankii sano ee u danbeeyay, hadana waxa iska cad in dhismaah iyo kobacu aanu soo jidan shaqo abuur badan.

Gaar ahaan dadka ay da’doodu ka yar tahay 30 jir kuwaas oo 70% bylshada ka ah, shaqo la’aanta iyo ku naggi la’aanta shaqo iyo waliba aqonta iyo shaqada oo kala hooseeya ayaa ah mid soo wajahada guud ahaan Somaliland.
Dawladu waxay xaqiijinaysaa in talaabo dag deg ah loo baahan yahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, sidaa daraadeed waxa dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.
Ujeedada shirka
• Sidii loo heli lahaa siyaasad cad oo lagu balaadhinayo baaxdda shaqo ee Somaliland.
• Ujeedada gaarka ah ee laga leeyahay waxa ka mid ah : Sidii loo fahmi lahaa si habaysana loogu furdaamin lahaa caqabadaha hor taagan korniinka shaqo, si looga baxo, loona yareeyo tiro badan oo ka mid ah dadka shaqa la’aanta la kulma.

Ujeedada qorshaha – shaqo: Shaqo abuur: in la helo dhaqaale abuura fursado maalgashi, ganacsi, horumar xirfadeed, shaqo abuur iyo joogteynta quutal daruuriga.
Maalmaha shirku soconayo: labo cisho
Ka soo qayb galayaasha
Lixdan qof oo ka kala socda xubnaha sare ee dawlada, dhallinyarada , haweenka, ganacsatada, ururada bulshada, deeq bixiyayaasha, haayadaha caalamiga ah, kuwa UN-ka, madaxda Jaamacadaha, khuburada, Ururada shaqaalaha, ururada loo shaqeeyaha, xarunta ganacsiga iyo wixi la mid ah.

Goobta: Al Maansuur Hotel – Hargeysa
Shirkii hortii
Shirka hortii waxa loo baahan yahay inay qabsoomaan arrimahan soo socda:
1. Kulano gobolada ka qabsooma: ujeedaduna waa sidii looga wada tashan lahaa, loogana qayb qaadan lahaa si loo helo xog dhameystiran iyo caqabadaha hortaagan.
2. Kulan saxaafadeed: kooxo la soo xulay oo khuburo ah ayaa ka hadli doona kulano loo qabto saxaafada.
3. Daabacad: waxa lagu casuumi doona saxaafada inay daabacaan war bixinaha la xidhiidha arrintan.
4. Sameynta mareega: waxa la sameyn doonaa mareeg si aaraada iyo afgaarta looga soo dhiibto.

Bandhiga Carwo ee la xidhiidha arrimaha shaqo
Waxa iyana l;a qaban doona bandhiga carwo oo la xidhiidha arrimaha shaqo, wxay cid kasta oo si uun ula xidhiidha arrimaha shaqo soo bandhgi doontaa wax soo sarkeeda ama adeegyadeeda la xidhiidha arrimaha shaqo.

Qaban qaabiyayaasha
• Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada
• Wasaarada qorsheynta qaranka iyo horumarka
• Haa’yada ILO
• Dalada Dhalinyarada ee SONYO

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidha
Nimco-Ilhan Ali (0634132068)
Abdulkadir Daud (063 4418627)
Mohamed Hassan (063 442 8042)

somalilandpost.netWasiirka-Shaqadda