Somaliland: Waraysi: Suldaankii Koowaad ee Beelaha Samaroon Xushaan 50 sannadood horteed oo Sharaxay Sababta Milgahii Saldanadaha Xilligan Lumiyey.

Hargeysa-(SLPOst)-Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in milgahii iyo sharaftii madax-dhaqameedku lahaan jiray, la biyo-dhiciyey.

Suldaan Saleebaan Cali oo ah Suldaankii ugu horeeyey ee Beesha Samaroon caleemo-saarto, muddo imika laga joogo 50 sannadood, isla markaana ka mid ah madax-dhaqameedka faro-ku-tirka ah ee beelaha Somaliland ee weli ku suntan dhaqankii iyo asluubtii dhowrsanayd ee lagu yaqaanay salaadiintii hore.

Waraysi laanta af soomaaliga BBC kula yeelatay Hargeysa,  ayuu Suldaan Saleebaan Cali tafaasiil ka bixiyey isbedelada ku yimi magacii iyo milgahii saldanadaha  iyo sababaha loo aanayn karo.

Halkan ka dhegeyso waraysigaa oo dhamaystiran:

https://www.facebook.com/mohed.sultansuleiman/videos/1977951338979163/