“Somaliland Waa Dal Madax-bannaan Oo Aan Ka Mid Ahayn Maamul Goboleedyada Ku Midoobay Nidaamka Federaalka Somalia” Madaxweyne Siilaanyo

(Sooltoday) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa khudbad uu u jeediyay shacbiga Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in Somaliland aanay ka mid yahay maamul goboleedyada ku dhisan nidaamka federaalka ee jira Soomaaliya, islmarkaana waxa uu xusay in Somaliland ay tahay dal ka madaxbanaan Somaliya.

index

“Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa, dedaalka ay ugu jirto beesha caalamku, sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda

saaran. Waxaanu dunida u caddaynaynaa, in Somaliland tahay dal madax bannaan, oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho.

Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka, in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland,shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay, oo magacayaga loo adeegsado. Tallaabadani waa mid caqabad ku keeni karta, ambaqaadka wada hadallada labada dal. Sidoo kale, waa mid u horseedi karta mandaqadda Geeska Africa colaad iyo xasillooni darro.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada caalamka, inay garwaaqsadaan, isla markaana ixtiraamaanrabitaanka Shacbiga Somaliland,iyo xaqa sharci ee ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan. Waxaan si weyn uga digayaa, cawaaqib xumada ka dhalan karta, in la duudsiyo xaqa aaya ka tashiga dadkayga iyo dalkayga. Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.”

 

Somalilandpost.net