Somaliland: UCID Oo Lagu Bilaabay Ololaha Doorashada Madaxtooyada

Hargeisa (Somalilandpost) – waxa maanta si rasmi ah u bilaabmay ololihii doorashoyinka Somaliland, waxaana maanta ololihiisa bilaabay oo kalkiisa noqotay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo bakhtiyaa nasiib u helay inuu maalinta koowaad uu noqdo, halka maalinta labaadna uu noqday xisbiga KULMIYE, maalinta sadexaad uu noqday xisbiga WADANI.

Goboladda iyo degmooyinka Somaliland waxa isku soo baxyo waaweyn ka sameeyey taageerayaasha xisbiga  UCID, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe kala qaybgallay taageerayaashiisa gobolka Togdheer ee xaruntiisa burco

faysal

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in doorkan doorashadda uu isagu ku guulaysan doonno, waxaanu sheegay in doodii uu habeenkii dhawaa ka qaybgalay ay dadweynaha intoodda badan ku hambalyeeyeen oo uu isagu noqday ninkii ku horeeyey doodda, sidaas darteed waxa uu odsaday in tageeradda loo muujiyey codkana loogu daro.

“Labada Murashax Ee Kale Taladoodi Waxay Saarteen Salaadiintoodii, Anna Waxaan Taladayda Saartay Ilaahay, Waxaa Ii Soo hambalyeeyay Dad Ku Dhaw 200,000,(Laba-Boqol Oo Kun Oo Qof ,) Hambalyana Waxaan Uga Baahi-badnahay Cod-ka oo aad I Siisaan,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ololaha xisbiyadda ayaa socon doono muddo saddex toddobaad ah, waxana ka dib loo dareeri doona doorashadda oo ku beegan 13-ka November,2017-ka taas oo la soo dooran doonno madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedeli doona madaxweyne Siilaanyo.