Somaliland: Todoba Qof Oo Harraad U Dhintay Iyo Xaaladda Abaareed Oo Ka Jira Gobollada Galbeedka

Saylac, (SLpost)- Masuuliyiinta Somaliland ayaa si rasmi ah u sheegay in degmooyinka iyo deegaannada ku yaalla galbeedka ay ka jirto abaaro ay waxyeello ka soo gaadhay dadka ku nool degmooyinka galbeedka iyo deegaannada hoos yimaada.

Guddoomiyaha Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in degmada Saylac ay todoba qof haraad dartii ugu dhinteen labaddii billood ee la soo dhaafay.

Abaartan ayaa ah mid saamaysay galbeedka oo ay ku jirto magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda uu ka codsaday in gurmad ay la soo gaadho dadka abaarto saameysay.

Guddoomiyaha ayaa abaartan ku sheegay tii ugu xumayd ee ku dhufta degmooyinka iyo deegaannada gobollada ee galbeedka Somaliland.