Somaliland: Tiradii ugu badnayd COVID-19 oo la helay iyo Dhimashada oo korodhay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta xaqiijisay tiradii u badnayd ee kiisas caabuqa Coronavirus ah oo hal maalin la shaaciyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa warbixinta maalinlaha ah ee ku saabsan xannuunka Covid-19, waxa uu ku sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay tiro afartan qof ah oo laga baadhay xanuunka COVID19 laga helay 14 qof.

Waxa uu Agaasimuhu sheegay in Hal qof oo kale uu u geeriyooday xannuunka Covid-19 taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 6 qof oo Somaliland ugu geeriyooday cudurkan.

Tirada Guud ee Dadka laga helay Caabuqa Coronavirus ee Somaliland, ayaa immika maraysa 68 qof, kuwaas oo 7 ka mid ahi ka bogasadeen Xannuunka.

51 Qof oo ka mid ah Dadka laga helay Xannuunka, ayaa ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo 5 ka mid ahi ka bogsadeen, halka 4 Qof u dhinteen. Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, ayaa laga helay 2 qof, halka hal qofna u dhintay.

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa tirada kiisaska laga helay yihiin  8 qof oo midkood ka bogasaday halka hal qofna u geeriyooday Xannuunka. Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ayaa mid kasta laga xaqiijiyey Hal qof, sida ku xusan warbixinta lagu shaaciyey mareegta lagu baahiyo Xogta Covid-19 ee Somaliland.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose