Somaliland: Tirada Kiisaska Coronavirus oo Korodhay iyo Shacabka oo digniin loo jeediyey

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo caabuqa Coronavirus ah kaddib baadhitaanno la sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19 la wadaagayey bulshada maanta, ayaa xaqiijiyey 8 kiis oo ku soo kordhay tiradii hore ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee dalka oo ahayd 121 qof, taas oo tirada guud ka dhigaysa 129 qof oo laga helay xannuunkan gudaha Somaliland.

Tirada Dadka xannuunka u dhimatay ayaa haatan gaadhay 10 qof, halka 8 qof oo ka mid ah tirada dadka xannuunka laga helay ay ka bogsadeen, sida ku xusan mareegta wasaaradda Caafimaadka ee lagu baahiyo xogta Xannuunka Covid-19.

Shan (5) ka mid ah dadka maanta la xaqiijiyey, ayaa ku nool gobolka Saaxil, 2 ka mid ahina magaalada Burco ee gobolka Togdheer halka Qofka kale ku nool yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadku waxa uu shacabka Somaliland digniin ku aaddan xannuunkan oo uu sheegay inuu si xawli ah ugu sii fidayo dalka.

Hadalka Agaasimaha Guud kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net