Somaliland: Sugidda Amniga Gudaha iyo Doorashooyinka iyo Doorka Cashuur-bixiyeyaasha

Hargeysa (SLpost)- Miisaaniyad-sannadeedka 2021 ee Dowladda Somaliland, ayaa xoogga lagu saaray sidii looga dabooli lahaa Baahiyaha Qaranka ee Dhinacyada Dimuqraadiyadda iyo xoojinta Ammaanka ee gudaha dalka.

Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadkan 2021, waxa ay xukuumaddu ka soo iibisay Gaadiid Cusub oo loogu talo-galay Ciidammada Booliska Somaliland si ay uga hawl-galaan sugidda ammaanka ee guud ahaan dalka. Gaadiidka ayaa tiradoodu dhammayd 51 baabuur cusub oo dhammaantood laga maal-geliyey Cashuurta Muwaadinta.

Sidoo kale, Miisaaniyadda sannadka 2021, waxa ku jira kharashka qabsoomidda doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Golahayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dalka ka qabsoomay 31-kii bishii May 2021-kii, taas oo ay ku baxday lacag dhan $20 Milyan.

Boqolkii 76 kharashka ku baxay qabsoomidda doorashooyinka oo u dhiganta in ka badan $15 Milyan,  ayaa laga maalgeliyey miisaaniyadda Dowladda oo ah Cashuurta ay bixiyaan Muwaadiniinta Somaliland. Boqolkiiba 24-ka kale waxa bixiyey beesha Caalamka oo isugu jira $3 oo ay bixiyeen waddamada Yurub iyo $2 Milyan oo ay bixisay dowladda Taiwan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net