Somaliland: Soo Laba-Kacleynta Cudurka Covid-19, Gaabiska Xukuumadda iyo Khatarta Jirta

 

Hargeysa (SLpost)- Xanuunka Dunida aadka ugu faafay ee Covid-19 ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Somaliland.

Waxa soo badanaya Dadka uu soo ridanayo xanuunka oo markii hore la aaminsanaa inuu ka dabar go’ay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha in Xanuunku soo laba-kacleeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ama Hay’adaha kale ee qaabilsan ka hor-tagga Xanuunkan, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Goobaha lagu sameeyo Shaybaadhka Xanuunka Covid_19 ay ku soo badanayaan Dadka laga helayaa.

Xogtan ayaa sheegaysa in bishii hore marka 100 Qof laga baadho Xanuunka Covid-19 laga helayey 1 Qof ama dhammaantood aan laga helayn, balse bishan October ayaa Xaaladdu isbeddeshay waxaana la sheegay in 100 Qof ee la baadho 10 ka mid ah laga helayo ama in ku dhow, taasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunkaasi ayaa markii ay qaadeen Xayiraadihii lagu soo rogay Dadweynaha, waxay ku taliyeen in Dadku feejignaado isla-markaana aanay deynin isticmaalka Gacmo-gashiga iyo Af-saabka, laakiin Talooyinkaasi Dadka qaatay way yar yihiin.

Dhinaca kale, marka loo kuur-galo Xogta xannuunkan ku saabsan ee lagu baahiyo Mareegaha Internetka ee Wasaaradda Caafimaadku ugu talo-gashay in laga socdo heerka xannuunku ka marayo dalka, waxa muuqata in maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhayaan tirada dadka la baadhay ee xannuunka laga helay.

Sida xogtani muujinayso, tirada guud ee dadka xannuunka laga baadhay gudaha Somaliland, ayaa maraysa 11,360 Qof, kuwaas oo 1,009 ka mid ah xannuunka laga helay. Waxa inta la ogyahay cudurka Covid-19 gudaha Somaliland ugu geeriyooday 32 qof, halka 926 qof ka bogsadeen.

Waxa kale oo muuqata inuu jiro gaabis ka muuqda wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga heer Qaran ee loo xilsaaray xakamaynta Xannuunka Covid-19 oo xilligan faro-baas ku haya dalalka adduunka intooda badan oo uu ku soo laba-kacleeyey isla markaana feejignaan dheeraad ah oo faafistiisa lagu xakamaynayo ay ku tallaabsadeen.

In kasta oo ay jirto khatar muuqata oo muujinaysa inuu xannuunkani si baahsan ugu dhex-jiro bulshada Somaliland, haddana ma jiro qorshe ilaa hadda la shaaciyey oo Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga Heer Qaran ee Covid-19 kaga hortagayaan xakamayntiisa.

Somalilandpost.net