SOMALILAND: Shirkad waddani ah oo markii u horreysay Lacag Xaddi badan ku Iibsatay Naadi Kubadda Cagta Ah

Boorama (SLpost)- Shirkad magaalada Boorama u fidisa adeegga Korontada oo magaceeda la yidhaahdo Power Station,  ayaa maanta la wareegtay kooxdii kubadda cagta ciidanka Asluubta gobolka Awdal, ka dib markii ay ku iibsadeen lacag dhan toban Milyan, lix Boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah.

kooxMunaasibad lagula kala wareegayay kooxdan oo lagu qabtay magaaladda Boorame waxa ka soo qeyb galay Xoghayaha fulinta gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac, Guddoomiye Ku xigeenka Golaha deegaanka Boorame Maxamed Faarax Dheerayste, Iskuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi, maamulka shirkadda Laydhka ee Power Station ee magaaladda Boorame iyo saraakiisha ciidanka asluubta Boorame  iyo dadweyne tiro badan.

Maamulaha shaqaalaha ee Shirkadda korontada ee Power Station Cabdilaahi Xaaji ayaa sheegay inay kooxdan ku ciyaari jirtay magaca ciidanka asluubta ee gobolka Awdal oo ka mid ahayd naadiyadda heerka koowaad ay  la wareegeen si ay  ugu ciyaaraan magaca shirkadooda.

 “Ciyaartoyga kooxdan oo hadda ka dib ku ciyaari doonta magaca shirkadda laydhka ee Power Station ee Magaaladda Boorame waxay ka kooban yihiin 18 ciyaartoy, waxaan idiin sheegayaa in dhammaantood aanu bari doono xirfadda laydhka oo aanu shaqooyin rasmi ah siin doono isla markaana ay kubadda ku ciyaari doonaan magaca shirkadan,”ayuu yidhi maamulaha shaqaalaha ee shirkadda laydhka Boorame ee Power Station.

Cabdilaahi Xaaji waxa uu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay shaqo abuur iyo dhiirigelin ugu sameeyaan ciyaartoyga oo ah kuwa ugu badan ee nafahooda ku biimeeya Tahriibka.

 “Go’aankayagani waxa uu dabo-socdaa qorshaha xukuumadda ee la xidhiidha in la dhalinyarada dalka loo sameeyo shaqo abuur, waxaanu ku faraxsan nahay in ay shirkad ahaan noo hirgasho qorshahan oo aanu muddo ka soo shaqaynaynay,”ayuu intaas raaciyay Sarkaalkaas u hadlay shirkaddu.

Sidoo kale, Xoghayaha  fulinta Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac, ayaa shirkaddaas ku ammaanay wax uu ku tilmaamay tallaabadda weyn ee ay qaadeen, waxaanu shirkadaha kale ee gobolka ugu baaqay inay ku daydaan oo ay shaqaaleeyaan ciyaartoyga iyo dhalinyarada gobolka si shaqo abuur loogu sameeyo, loogana baajiyo tahriibka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Golaha deegaanka Boorame Maxamed Faarax Dheerayste iyo isku duwaha wasaaradda ciyaaraha gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi waxaanay sheegeen in qorshahani yahay dhiirigelintii ugu weynayd ee shaqo abuurka dhalinyarada gobolkaas loo sameeyo. Waxaanay bogaadiyeen shirkadda laydhka ee Power Station ee magaaladda Boorame, iyagoo ciyaartoygana ku booriyay in ay horumar ka sameeyaan xirfadooda ciyaaraha oo ay la tartamaan mustawaha ay gaadheen goboladda kale ee dalku.

Waa markii u horreysay ee magaaladda Boorame shirkadi ay la wareegto koox ciyaareed  si ay u shaqaalayso ciyaartoyga isla markaana u baraan xirfado farsamo oo ay mustaqbalka ku shaqaysan karaan.

SOMALILANDPOST.NET