Somaliland: Shaqaalaha Dowladda oo Baanka Dhexe ka Amaahan Kara Lacago ay Guryo ku Dhistaan

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sheegay in markii u horeysay la suurto-galiyey in shaqaalaha dowladdu Baanka Dhexe ka amaahan karaan Lacago ay Guryo ku dhistaan.

Guddoomiyaha oo maanta kulan la qaatay Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inaanay hay’ad ahaan cidna uga habran gudashada waajibka saaran ee ay qaranka u hayaan, guddi ahaanna ay ku shaqeeyaan daacadnimmo, sinnaan iyo cadaalad.

Warbixin uu Gudoomiye Khaalid u jeediyey guddiga ayuu ku sheegay in Hay’adda Shaqaalaha Dawladda la aasaasay sannadkii 1993-dii, oo Dastuurku jideynayo ay masuuliyadeeda ka mid ah tababarka, daryeelka, xaqsiinta shaqaalaha dawladda, kaas oo ka duullaya xeer 97/2022 oo Golaha Wakiilladu dhawaan ansixiyey.

Guddoomiye Khaalid ayaa sheegay in Hay’addu abuurtay siyaasado kala duwan oo fududeynaya waajibaadka ka saaran shaqaalaha dawladda, kana mid yihiin, siyaasadda xeyndaabka kartida; siyaasada maaraynta anshaxmarinta shaqaalaha, siyaasadda maaraynta fasaxyadda, siyaasadda maaraynta cabashooyinka iyo tabashooyinka siyaasadda dalacsiinta shaqaalaha, iyo siyaasado kale.

“Shaqaalaha dawladdu waxay amaah ka qaadan karaan Baanka dhexe oo annagu (Hay’adda shaqaalaha) u saxeexno, ay guryo ku dhisan karaan, ku guursan karaan, iyadoo si fudud deynka mushaharkooda looga jarayo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay inay ku guulaysteen joojinta qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah dhamaan Wasaaradaha dalka, marka laga reebo laba Wasaaradood ee Caafimaadka & Waxbarashada oo dabeecadda ay ku shaqeeyaan ka duwan tahay kuwa kale.

Md. Khaalid oo ka hadlayey hanaanka ay u maraan Shaqo ka Caydhinta shaqaalaha, ayaa sheegay inaanay aqbalin qoraalada Wasaaraduhu ka soo gudbiyaan shaqaale ay eryeen, isla markaana jiraan shaqaale badan oo dib ay shaqadoodii ugu celiyeen waxaanu yidhi, “Waxa jira shaqaale badan oo dib aanu shaqooyinkoodii ugu celinay, halka qaarkood aanu ku waafaqno, halka aanu kuwo kale beddel wasaaradeed u samayno.”

Waxa uu Gudoomiyaha shaqaalahu bogaadiyey mashruuca shaqo qaran ee Madaxweynaha Somaliland bilaabay oo u sheegay mid si daahfurnaan ah u qeexaya hanaanka shaqaalaha qaranku ku imanayaan iyo inuu go’aan cad ka soo saaray in Wasaaradaha & Hay’adaha Qaranku joojiyaan qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net