Somaliland: Saraakiishii ugu Tirada Badneyd ee Dalka Gudihiisa Ku Qaata Aqoonta Milatariga oo dhammaystay tabobar muddo Bilo ah u socday

Ciidanka (2)Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta tabo-bar loogu soo xidhay Kuliyadda Cabdhilaahi Askar ee Dereweyne 117 Sarkaal oo kala tirsan Ciidamada Kala-geddisan ee Somaliland, kuwaas oo noqonaya saraakiishii ugu badnayd ee dalka gudihiisa tabobar layli-sarkaal ah loogu  soo gebo-gabeeyo.

Ciidanka (1)Tababarkan oo loogu talo galay Saraakiisha aan kuliyad hore ka soo bixin, ayaa sidoo kale noqonaysa dufcaddii ugu horreysay Saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo lagu tixi doono derejooyin kala duwan.

Munaasibad lagu qabtay kulanka tabobare Ciidanka oo ku taala deegaanka Dererweyne ee duleedka Bari ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somalliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka, saraakiil iyo hogaano ka socday qaybaha kala duwan ee ciidamada tabarka dhamaystay.

Saraakiisha tababarkan dhamaystay ayaa isugu jiray Ciidamada Milatariga, Asluubta, Ilaalada Madaxtooyada, Ciidanka Laanta Socdaalka, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada tabobarka iyo muddadii uu socday Hogaanka tababarka ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Axmed Cali Maxamed, waxaanu sheegay in kor loogu qaadayo heerka aqoonta saraakiisha, in saraakiisha la baro qaabka u haboon ee hogaaminta iyo guud ahaan waajibaadkooda si ay awood ugu helaan fulinta hawlaha taliye-nimo.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo munaasibadan hadal kajeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaan saraakiisha tababarkan dhamaystay, waxaanu ku ammaanay Madaxwaynaha J.S.L Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) horseedka uu ka noqday hirgalinta darajooyinka ciidamada qaranka.

Taliyuhu waxa uu saraakiisha tabobarka dhammaysatay kula dardaarmay in aqoonta ay korodhsadeen ay ku dabbaqaan hawlahooda shaqo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta J.S.L Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo 10 ka mid ah saraakiisha tabobarka loo soo xidhay ay ka socdeen Ciidanka Asluubta, ayaa sheegay inay aqoonta cusub ee ku soo biirtay Ciidanka asluubta, waxaanu ballan-qaaday inay saaraakiil heer jaamacadeed ah ay soo galin doonan kuliyadan tababarka saraakiisha ciidanka qaranka. Taliyuhu waxa uu ku amaanay guud ahaan saraakiisha tababarka ka dhamaystay kuliyada Cabdilaahi Askar muddadii lixda bilood ahayd ee ay u dhabar adaygeen waxbarashada kuliyada ka socotay. Waxaa iyaguna munaasibadan hadalo guubaabo iyo dhiiri galin isuu jira ka jeediyay Taliye xigeenka ciidanka Laanta socdaalka Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan (Sablaale) Iyo Kabtan Axmed Jaamac Goray (Alyoos) Oo isagu Ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen dedaalka ka socda kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada ee Cabdilaahi Askar, iyagoo ugu baaqay in ay lagamaarmaantahay in ciidanka booliskuna ka faa’iidaystaan waxbarashada muhiimka ah ee ka socota kuliyadan lagu taba baro saraakiisha oo markii horee wadamada jaarka ah loogu diri jiray.

Ciidanka (3)Gabagabadii, kooxda fananiinta ciidanka qaranka ee Gaashaan, ayaa soo bandhigay suugaan iyo masrixiyad muujinaysa haybadda ciidanka qaranka Somaliland, waxaana ay saraakiishii munaasibada ka soo qayb gashay ay jeclaysteen masrixiyadaas oo suugaantii lagu soo bandhigay uu allifay hogaanka wacyigalinta ciidanka qaranka Gaashaanle Sare Cali Bare. Waxaana ugu dambayntii halkaas shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagu gudoon siiyay saraakiisha tababarka dhamaysatay halka shahaado sharafyo lagu maamuusay Taliyayaasha ciidamada kala Duwan ee taageeray barnaamijkan kuliyada tababarka Ciidanka Qaranka oo loogu magac-daray Mujaahidii weynaa Eebbe ha u naxariistee Cadilaahi Askar oo ka mid ahaa Tirarkii Guusha u horseeday Halgankii Dib-u-xoreynta dalka.

SOMALILANDPOST.NET