Somaliland: Salaad Roob-doon ah oo laga iclaamiyey Guud ahaan Dalka

Hargeysa (SLpost)- Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland waxa isa soo taraya saamaynta ay bulshada iyo Xoolaha ku yeelatay abaar baahsan oo ka jirta dalka, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii da’i jiray xilliga Jiilaalka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iclaamisay Salaad Roob-doon ah oo laga oogi doono guud ahaan gobollada iyo degmooyina dalka.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen (Albaani) oo maanta warbaabinta kula hadlayey xafiiskiisa, ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda oo ku beegan 19-ka bishan guud ahaan dalka laga oogi dooni Salaad roob-doon ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Salaadda Roob-doonta ah loo dareeri doono 8-da Subaxnimo ee Maalinta Axadda, si Eebbe loga baryo Naxariistiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net