Somaliland: Qorshe markii ugu horreysay lagu kala saarayo darajooyinka Ganacsi ee Isku milmay

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ku dhawaaqday inay joojinayso in ganacsatada wax soo dejiyaa ay gaadiid ay leeyihiin wax kaga soo raraan dekedda Berbera.

Wasiirrada Ganacsiga iyo Maaliyadda Somaliland

Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay ka qaybgalay kulan ku saabsan kala-xaddaynta Liisamada Ganacsiga, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo wax lagaga qabanayo isku-milanka ganacsiga dalka iyo keli-macaashka.

Kulankaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee caasimadda Hargeysa, waxa ugu horeyn hadal ka jeediyay Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee wasaaraddaas Aaden Cilmi Axmed, waxaanu sheegay in ganacsatada dalku ka hor yimaadeen xeerka kala-xaddaynta Ganacsiga Somaliland oo la ansixiyay sannadkii 2004, ka dib markii sida uu xusay ay u fahmeen inuu ka hor imanayo hawlaha ganacsigooda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna hadal ka jeediyay kulankaas, waxa uu amaanay qorshahan kala-xaddaynta Liisamada Ganacsiga, wuxuuna tilmaamay in Cashuuro markii hore ka lumi jiray ay hadda si fudud ku heli doonto wasaaradda Maaliyaddu. “Ninka wax soo dejiyaa isaga ayaa gaadhigiisa ku qaadaya oo bakhaarkiisa ku gaynaya, halkaa waxa ka baxay cashuurtii iibka, marka uu bakhaarkiisii dhigo, haddana isagaa tafaariiqdii ku iibinaya, waxaanad moodaa ilaa kaaryoomaha inuu isagu wato, dawlada waxa soo galaa waa wax yar inay ka badatana way ahayd.” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland.

Ugu dambayn, wasiirka Ganacsiga, Wershaha iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo kulankaas ka hadlay, waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay joojiyeen in ganacsatada wax soo waaridaa ay gaadiid ay leeyihiin kaga soo daabulaan dekedda Berbera, si looga hortago in cid keliyi macaashto, loona helo wada faa’iidaysi wadareed. “Barnaamijkan waxaanu ugu talogalnay inaanu helno baayacmushtarkii oo kala soocan oo wixii wax soo dejinaya aanu ogaano cidda uu yahay, liisamadoodiina aanu siino, qofka wax dhoofinayana aanu ogaano liisamadana aanu siino, wixii xuquuq ah ee dadka iyo dalku ku leeyahayna laga qaado, xuquuqdaas oo noqonaysa in laga daba faa’iido.” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Wasiirku waxa uu sheegay in kooxo deraasad ku sameeya ay u dirayaan Berbera, si loo fuliyo qorshahan kala-xaddaynta Ganacsiga Somaliland.

Somalilandpost

Webmaster@somalilandpost.net