Somaliland: Qashinka Cuntada Kasoo Hadha Iyo Digada Xoolaha Oo Dab Laga Dhalinayo

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay mashruuc cusub tamarta sahlaysa cunto karinta.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen wasaaraddaha tamarta iyo deegaanka, waa mid qashinka kasoo hadha cuntada ama digada xoolaha lagaga dhalinayo gaasta cuntada lagu karsado, waana mashruuc tijaabo ah oo in muddo ah ay wadeen khubaro aqoon u leh tamarta cusboonaata, waxaana la rajaynayaa inay hoos u dhigi doonto isticmaalka dhuxusha.

Munaasibad lagu soo bandhigay mashruucan ayaa lagu qabtay wasaaradda macdanta iyo tamarta.

HALKAN KA DAAWO:-