Somaliland: Qalabka lagu baadho Corovirus oo dalka keenay iyo Guddiga Heer Qaran oo bulshada la wadaagay Xaaladihii u dambeeyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo xubnaha kale ee Guddiga, ayaa sheegay inuu keeneen Mishiinka ama Laabka lagu baadho Caabuqa Coronavirus.

Guddigu waxay sheegeen inaanay ilaa hadda jirin cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID-19 gudaha Somaliland marka laga reebo labadii qof ee hore loo shaaciyey.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose